Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Doorashada Maamulka Puntland ayaa si habsami ah uga bilowday Baarlamaanka Maamulkaa tasoo durdaba maanta oo JImce ah ladoortay lana dhaariyay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.
Cabdixakiin Maxamed Axmed ‘Dhoobo Daareed” ayaa ku guulaystay jagada Gudoomiye nimo ee Baarlamaanka Puntland kadib markii uu wareegii 2aad kaga adkaaday 43-cod iyo 23-cod xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.
Dhinaca kale Gudoomoye ku xigeenka 1aad ayaa waxaa ku guulaystay 38-cod inuu noqdo shanta sano ee fooda inagu soo haya Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan kadib markii ninkii la tartamayay xildhibaan Cabdixaniid Cabdisalaan Ciise uu helay 14-cod.
Jagada gudoomiye ku xigeenka 3aad ayaa waxaa ku guulaystay 45-cod Ismaaciil Maxamed Warsame.
Sadex dan masuul ayaa ah sadex nin oo aqoon dheeraad ah U’leh Sharciyadda iyo qaanuunka golaha sharci dejinta iyo golaha garsoorka. Waxaa dhihi karnaa waa guul usoo hoyatay shacabweynaha Reer puntland, waxaa alle kabaryaynaa inay noqdaan kuwii kasoo baxa hawshaa loo idmaday, waxaanu sugnaa waa madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen daacada oo kashaqeeya danaha dowlad goboleedka Puntland iyo tan Qaranka Soomaaliyeed ba .
Ceegaag.com
Figradihiina