Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyihii Degmada Hobyo & Nabadoon lagu dilay Degmada Xarar Dheere xalay

Dabley hubeysan ayaa gudaha Magaalada Xarar dheere ku dishay Xalay Gudoomiyihii Degmada Hobyo Sheekh Doon Yuusuf Gurey iyo Nabadoon ka tirsan dadka deegaanka ,waxaana meyda Gudoomiyaha iyo Nabadoonka lagu wada aasay isla Xarar dheere maanta.

Lama oga ilaa iyo hadda waxa ka dambeeya dilka gudoomiyaha iyo Nabadoonkaba waxaana mudooyinkii dambe Magaalooyinka Xarar dheere iyo Hobyo ka jiray shaqaaqooyin u dhaxeeyay Kooxaha Budhcad Badeeda ah ee ka qowleysta Xeebaha Soomaaliya kuwaas oo magalooyinkaasi ay gabaad u yihiin.

Xaalada Magaalada Xarar dheere ayaa saaka caadi ahayd ,waxayna dadka deegaanku Warbaahinta Puntland ka howl gasha qaarkeed u sheegeen in xalay magaalada ay isku dhex rasaaseyeen labo kooxood is rasaaseyntaasina ay keentay dhimashada Gudoomiyaha iyo Nabadoonka iyo sidoo kale dhaawaca labo qof .

Magaalada Xarar dheere waxaa mudooyinkii dambe ka taagnaa is heysi dhaliyay gacan ka hadlay kaasoo u dhaxeeyay labo garab oo ka wada tirsan kooxaha Budhcad badeeda ah kuwaas oo uu murankoodu ka dhashay lacag madax furasho ahayd oo ay ka qaateen markab ay qafaalasho u heysteen

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag