Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa maanta la daahfuray xaruntii guriga gobolka ee K2 taasoo dhawaan dayactir lagu sameeyay, iyadoo xafladda furitaanka xaruntani ay kasoo qeybgaleen madax sare oo ka tirsan maamulka Jubba, Qaar kamid ah urrurada dhalinyarada iyo haweenka.
Xarunta gurigii hore ee gobolka ee k2 ayaa waxa ay hore saldhig ugu ahayd ciidamada ammaanka maamulka Jubba, haseyeeshee dhawaan ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka gobolka, waxaana lagu sameeyay dayactir ballaaran.
Urur horeyn ayaa waxa xafladda ka hadlay gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay xarunta guriga gobolka ee maanta la daahfuray.
Gabagabadii ayaa waxa munaasibadda ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere, isagoo xusay in maamulkooda ay ka go’antahay dib u dhiska xarumaha dowliga ah ee ku yaal magaalada Kismaayo.
Xarunta guriga gobolka ayaa ahayd mid burbursan tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, mana jirin dayactir ku filan oo lagu sameeyay mudadaasi fog.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina