Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guul laga gaadhay sinaanta Haweenka.

Is buucyo ka hor waxaa Gobolka Alberta laga Hirgeliyay sharci, kaa soo u ogalaanaayo dhibanayaasha shaqaaqada qoyska in ay ka bixi karaan heshiiska Guriga (Guriga ay deganyihiin) Ganaax lacageed la’aan. “Laga bilaawa maanta, waxaa muhiimada la siinaya nabadgelyada iyo ka tagista guryaha aan nabada ahayn, marka loo barbar dhigo ganaaxa lacageed” sidaa waxaa yiri wasiirka haweenka,  Stephanie McLean “Maanta waxaan garab taaganahay haweenkaAlberta,kuwaasoo mudan in nabad ku dareemaan bulshadooda dhexdeeda.” Sharciga cusub ee Manitoba, ma u damaanad qaadayo shaqo kaliya dhibanayaasha shaqaaqada guriga,  sidoo kale wuxuu siinayaa fasax shaqo lacag leh iyo mid lacag la’aan ah, si ay u raadsadaan nabadgelyo ayna oga fogaadaan guryaha aan nabada ahayn iyo in ay u helaan caawitaanka muhiihka ah sida,  sharciga iyo caafimaadka.Hase yeeshee,xaalada dareenka ku aadanhaweenka ee u nuglaanshaha xadgudubka, iyo dadaalka ku aadan hormarinta haweenka iyo sinaanta ayaa waxay qaadatay in ay dhacdo mudo qarni ah.Ilaa 1982 haweenka xataa looma tixgelinaynin in ay yihiin “qof”

Maanta uma maleynayno in ay farqi u dhaxeeyo erayada “Bini-aadam” iyo “qof.” Laakiin wadanka Kanada, sida wadamo badan caalamka dacaladiisa ah, haweenka ayaa maxkamada dhexdeeda ka dooday in qof ahaan loo aqoonsado sharciga dhexdiisa.Mid kamid ah dacwadaha ugu caansan Kanada ayaa badalay micnaha erayga “qof.” Waxaana loo yaqaanaa “Dacwada qofka”

Laga bilaawo 1916 ilaa 1922,Dawlda dhexe iyo dawlada goboleedka ayaa meel mariyay sharci u ogalanaayo haweenka xaquuqda ay wax ku dooran lahaayeen ama ugu mid noqon lahaayeen Baarlamaanka[i].Laakiin aqalka sare ayaa wuxuu ka koobnaa rag kaliya,aqalkaasoo dib u eegi jiray sharciyada barlamaanka hergilyaan.

1928,  shan haween ah oo ka socdaAlberta(Loo yaqaano “Shanta Caanka”) aya waxay keeneen dacwad maxkamada saree e wadanka Kanada si ay ugu doodaan sinaan la’aantaan. Nellie McClung, Louise McKinney and Irene Parlby ayaa waxay kamid ahaayeen Mudanayaal Barlamaanka Gobolka Alberta, Henrietta Muir Edwards waxay ahayd Madaxwayne ku xigeenka Golaha haweenka ee Gobolka iyo Emily Murphy oo ahayd Xaakim Booliiska gobolka.

Sharciga asaasay Kanada,  Sharciga Ingiriiska ee waqooyiga America 1867,(British North America Act 1867) ayaa wuxuu qeexayaa sharuudaha looga baahan yahay qofka noqonaayo aqalka sare. Qaybta 23 ayaa leh Mudanayaasha aqalka sare waa in ay hoos imaadaan Boqorada,ugu yaraan 30 jir ahaadan, in ay haystaan hanti u qalanta $ 4,000, kuna nool  ayaa gobolka u matalaayo Aqalka sare. Isagoo (sharciga)qeexaayo shuruudahaan, qaybta (sharciga) wuxuu isticmaalay erayga “Asaga” si joogto ah,waxay u muuqataa in loo qaato in raga kaliya in ay u qalmaan aqalka sare ka mid noqdaan.Ha se ahaatee, qaybta 24 ayaa leh Gudoomiya guud (Governor General) ayaa, waqti ka waqti, waydiiyo “qofyaalo” u qalma in ay kamid noqdaan aqalka sare.

Shanta haween ayaa waxay waydiisteen Maxkamada saree e Kanada in ay ka jawaabto hal su’aal  oo muhiim ah: in Erayga “qofyaalo”  qybta 24 ,(Persons) (Jamaca qof,qofyaalo/dad) ay kamid yihiin haweenka.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in taariikhda Ingiriiska, in laga saaray haweenka dhaqanka iyo  go’aanada garsoorka, in loo soo doorto dawlada iyo xaakim nimo. Sidoo kale garsoorayaasha ayaa u maleeyay in erayeenta sharciga u cad yahay:(Qofyaalo/Qof) in uu rag kaliya kamid yahay. Shanta haween ayaa racfaan ka qaatay  sharciga ee u gudbiyay gudiga golaha garsoorka, maxkamadii ugu sareysay waqtigaas London, dalka ingiriiska. Go’aankii maxkamada wuxuu sameeyay taariikh.

Lord Sankey, oo u hadlaayay garsoorayaasha shanta ah, ayaa badalay xukunkii maxkamada sare ee Kanada, wuxuu sheegay in haweenka ay ka mid yihiin ‘“Ruux/qof” marka loo eego qaybta 24 ee dastuurka Kanada, loona dooran karo aqalka sare.

Lord Sankey  wuxuu isticmaalay waxa caqli galaayo: Wuxuu ku dooday Erayga “qof/dad” wuxuu mar waliba ka kooban yahay lab iyo dhidig. Wuxuu yiri “ Kuwa is waydiinaayo maxaa erayga haweeenka loogu darayaa,jawaabta waa ay iska cadahay maxaa loogu darayn?” Hadii ula jeedada sharciga uu ahaa in uu ku xadido raga kaliya in ay musharax ka noqdaan aqalka sare , wuxuu  waydiiyay maxaa ‘qof rag ah’ aan loogu darin liiska kuwa u qalma in ay Odayaasha aqalka sare ahaadaan qaybta 23 (ee dastuurka)?

Sharciga ruux/qof  wuxuu ahaa guul muhiim ah. Laakiin waxay ahayd bilowgii halganka sharciga, bulshada iyo sinaanta siyaasada ee haweenka ee Kanada

25 daraasado sharci ayaa lagu soo daray buuga la magac-baxay “Sheekadeeda sinaanta” oo ay daawacday United Cultures of Canada Association. Kiisaska waxaa kamid ah sinaanta mushaharka haweenka, faraxumaynta galmada iyo takoorka goobta shaqada, kala sooc guud shaqada iyo shaqaalaynta oo ay ku kacaan loo shaqeeyaha iyo takoor dhan ka ah haweenka xaga guryeynta iyo lala xiriirinaayo heerka dakhliga, nooca galmada, isirka, diinta, naafada, xaalada qoyska iyo daryeelka caruurta. Mashruucaan waxaa maal galiyay waxbarashada xuquuqda aadanaha iyo sanduuqa dhaqamada kala duwan- CadaaladaAlberta.

Buugaan waxaad ka akhrisan kartaa shabakada hay’ada: www.ucca.ca

Qabow Isack

Edmonton,Canada

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply