Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Nofembar- 29 ( Ceegaag)- Sheekooyinka ay dadkii hore iiga sheegeen waxa ay dowlad tahay, hanaankii loo shaqeyn jiray, iyo awoodii Dowladda Soomaaliya awoodii ay ku lahayd Africa inteeda kale Ayaan ku laab qabowsan jiray. Waxaan niyadda ku hayay in mar un aan arki doono dalkeyga oo dowlad leh, si aan dadka dowladaha leh markay ka sheekeysanayaan dowladahooda aan ugu sheeko darsado.
Sannadku markuu ahaa 2012, waxaa bilaabatay ifafaalo iyo in dalku ka baxay kumeel-gaarkii. Ma ahayn doorasho dadku ka wada qaybgalayay waxeyse ahayd dowlad ay dooranayaan wakiilo/xildhibaano ay soo xulaan odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa meesha laga saarayay hogaamiye kooxeedyadii dalka joogay si loo yareeyo awoodaha ay xiligaas dalka ku lahaayeen, taas oo ka mid ahayd waxyaabihii na farxad geliyay haddaan nahay bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyaradda.
Markii aanu ka baxnay dowladdii kumeelgaarka ahayd isla markaana dalku yeeshay dowlad federal ah oo aduunka oo idil soo dhaweeyeen, ayaa balanqaadyaddii dowladaas cusubi waxaa ugu weynaa in 4 sanno kadib ay dowladatani gaarsiin doonto dalka, hal-qof iyo hal-cod oo dalka oo idil ka wada dhici doonta.
Muddo kadib Hadal-heynta ugu balaaran ee dalka taala misna ugu weyn waxay noqotay hiigsiga 2016 iyo sidii laga yeeli lahaa. Intaas waxba uma dhaafsaneyn oo ma muuqan saansaantii iyo qaababkii yoolkaas dheer lagu gaari lahaa.
Waxaase uga sii darnaa dadka soomaaliyeed, isqabqabsi dowlada dhexdeeda ah oo iyadii isku mashquushay. Iyaddoo faragelin shisheeye aysan meesha ka marneyn. Iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa soo ifbaxayay waxyaabo badan oo dib u dhac ku keenayay dalka. Isku shaandheyn aan shacabka loo fasirin waxa ay salka ku heyso. Waxaa xal loo heli waayay Amnigii dalka, oo goortii isku shaandheyn ama bedelid Ra’isal Wasaare ay timaadoba faraha ka sii baxayay. Waxaa hakad galayay dhammaan adeegyadii bulshadda u baahneyd.
Howlkastaa oo la bilaabona, loo diiday in ay dhameystirmato, hadaan tusaale yar usoo qaadano waxaa ka mid ah howlaha dhameystirmi waayay DASTUURKII idlaa ee uu dalku lahaa. Dowladda Federaalka ah markay u hartay wax ku dhow hal sanno ayaa bilaabatay in baarlamaankii iyo xukuumaddiiba ay ku baaqeen in dalku aaney doorasho hal-qof iyo hal-cod aaney ka dhici Karin, baarlamaankana mudo kordhin loo sameeyo. Inkastoo Soomaalidu ku maahmaahdo nabar aad fileysay Naxdin maleh, haddana waa cusub ayaa noo baryay.
Waxaa sameysmay maamul goboleedyo ay dadku ku qaybsameen oo dalka intiisa kale badan ka dhismay, oo koonfurtii iyo bartamihii Soomaaliya oo 11 gobol isku ah loo sii qaybiyay 5 maamul goboleed, arrintaan oo qalqal gelisay sii jiritaanka Dowladda federaalka.
Waxaa soo kordhay in magaalo madaxdii Soomaaliya ay ciriiri gasho, haday ahaan lahayd wadooyinkii ugu waaweynaa ee dalku lahaa oo cid waliba meel ka xirato. Waxaa batay safaro aan macno badan dalka u lahayn. Askartii Soomaaliyeed oo aan xuquuqdoodii helin. Halka kuwa AMISOM-na mushaar fara badan iyo xuquuq aan kala go’in ay helayaan.
Gudaha Magaaladda muqdisho oo lagu kala qaxo, dadkii masaakiinta ahaa guryahoodii laga kiciyo iyadoo aan la siin, badiil iyo meel kale oo ay caruurta geystaan. Waxay dadkaas waayeen hoy, biyo waxbarasho. Caruurta qaar ee guryahaas laga kiciyay ayaa qaarkood noqday darbi jiif iyo caseeyayaal aan heysan xuquuqdii ay dalka ku lahaayeen.
Waxaa nasiib darro ah in qof kastaa oo Soomaali ah ku dedaalo sidii uu ugu dhex noolaan lahaa dhibaatadda dalka ka jirta, balse aannu ku fekerin sidii looga bixi lahaa coladda iyo gaajada dalka ka jirta. Haddaba beesha caalamka hiigsiga 2016 maxaa u dheer.
W/D Sucdi Daahir Diiriye ( Qajaf Weyn)
Figradihiina