Hambalyo Aroos: Fu’aad Maxamed iyo Xamda Ismaaciil
Isniintii bisha Luulyo ay ahayd 15, sanadka 2013 waxaa magaalada Jigjiga ku aqal-galay Fu’aad Maxamed Xaaji Cali iyo Xamda Ismaaciil Kaahin. Hambalyo farxad leh ka dib waxaannu Mudane Fu’aad iyo marwadiisa Xamda ugu ducaynaynaa ducadii Nebi Muxammad (NNKH): Eebbe ha idiin barwaaqeeyo (dunidan iyo Aakhiraba), ha idinkana yeelo kuwii khayr iyo wanaag isku dhaqa.

Waxaanan ku daraynaa:
Arooskiinna
ha lagu raayo
ha lagu reero
dushoo wiil ah
docdoo gabar ah
Rabbow taqabbal.
Hoosta ka daawada in ka mid ah sawirradii arooska.






Figradihiina