Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
waxa loo yaqaano xukuumadda electaronigga ama (E-government) waxa uu ka soo if baxay dowladaha soo koraaya iyo kuwa horumarayba ayagoo uga gol lahaa markaas hormarinta adeegga dowladuhu ay shacabka u qabtaan, taas looga gudbayo adeegsiga warqado la is waydaarsado si adeeg hufan loogu siiyo muwaadiniinta.
Xukuumadda elagtaroonigga ah ayaa waxaa lagu qeexaa cilmi ahaan in ay tahay: xog tignooloji iyo xiriir oo waddo u ah gaaridda waxa loo yaqaano dowlad wanaag. Sidoo kale xukuumadda elegtarnigga waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay waddada horumarka iyo kobaca dalalka.
Haddaba, waxaa loo baahan yahay si loo yareeyo musuqmaasuqa, sicirbararka iyo burburka dhaqaale in diiradda la saaro wax ku oolnimada tallaabooyinka ay xukuumaduhu qaadayaan iyo in laga dhigo adeegsiga tignoolajiyada casriga ah arrin lama dhaafaan u ah xiriirka tooska ah ee muwaadinka iyo xukuumadda intaba.
Sida la aaminsan yahay adeegsiga eraybixintan markii ugu horaysay waxaaa adeegsaday madaxweynihii hore ee maraykan ka “Bill Clinton” khudbad uu kaga hadlayay tignolojiyada iyo isgaarsiinta.
Sannadkii 2002 qaramada midoobay ayaa iyana ku qeexday “ E-government” sidan soo socota: “adeegsiga internet ka si loo helo macluumaad dhamaystiran oo ku saabsan adeegga ay muwaadiniintu u baahan yihiin”.
ujeedka guud ee hannaankani waa sidii loo heli lahaa dhamaan adeegyada ay muwaadiniintu u baahan yihiin sida ugu sahlan uguna dhaqsi badan.
Dhanka kale, marka laga eego arrintani waxa ay yarayn kartaa musuqa sida laaluushka iyo wax is daba marinta; sidoo kale waxa ay ka qeyb qaadanaysaa yaranyta saacadaha badan ee ku bixi lahaa shaqooyinka gacanta laga qabto halka uu muwaadinku ka helayo nasiino marka uu shaqooyinkiisa ku qabsado internetka gudihiisa.
Haddaba xukuumadda elegtaronigga ah ayaa ka curatay waddamo isugu jira kuwa hormaray iyo kuwa soo koraya, ayada oo laga duulayo sidii adeeg elegtaronig ah oo hufan ay u heli lahaayeen muwaadiniintu; hadana wadamadu way ku kala duwan yihiin aragtida aan kur ku soo sheegay, waayo dowladaha horumaray waxay haystaan qalab aad u horumarsan halka dowladaha soo koraya ayagu aysan gaarin halka ay gaareen kuwa horumaray.
Tusaale haddaan u soo qaadano Soomaaliya oo kale oo ka mid ah dowladaha soo koraya uuna daashaday dagaal sokeeye ayaa waxaa horyaalla caqabado fara badan oo ay ka mid tahay tignoolojiyo hoosaysa iyo arrimo fara badan oo ku hor gudban horumarka .
Xukuumadda elagtaroonigga ah ayaa haddaba waxaa lagu qeexaa cilmi ahaan in ay tahay xog tignooloji iyo xiriir oo waddo u ah gaaridda waxa loo yaqaano dowlad wanaag.
Sidoo kale xukuumadda elegtarnigga waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay waddada horumarka iyo kobaca dalalka.
Hadaba waxaa jira waxyaabo fara badan oo saameyn ku yeelan kara qaadashada/hirgalinta nidaamka xukuumada elegtaroniga marka laga hadlaayo soamaaliya, oon ka tilmaami karno tusaale ahaan kaabayaasha dhaqaale, siyaasadda, arimaha bulshada iyo abaabulka.
Waxaa sidoo kale jira waxyaabo saameyn ku yeelan kara in ay Soomaliya qaadato nidaamka xukuumadda elegtarooniga oo u baahan in loo helo xal.
Fahamka xakuumadda elektaroonigga ah :
Xukuumadda elektaroonigga waxaa caan ka dhigay saxaafadda, midaas oo ka dhigtay cinwaannada adduunka kuwa ugu muhiimsan, taasina waxa ay tuseysaa dadaalka lagu bixiyay in kor loogu qaado heer xukuumadeedka iyo horumarinta maamulka. Dadka qaar waxa ay rumeysan yihiin in la helo aaladaha kumbuyuutarka, si xafiisyada dowladda dhexdooda loogu keydiyo qaabka dowladdu ushaqeyso si loo ogaado in la galay casri xukuumad elektaroonik ah. Taasi waxa ay fududeyneysaa in adeegyo badan oo loo socdaali jiray loona tegi jiray xafiisyada dowladda, uu qofwaliba si fudud asagoo aqalkiisa ama rugtiisa ganacsi jooga halkiisa ku helo. Waxaa kale oo si fudud loo maamuli karaa shaqooyin badan oo ay ku bixi laheyd lacag badan ama la gelin lahaa xoog badan. Waxaa kale oo ay yareyneysaa musuqmaasuqa iyo wax is dabamarinta ka timaadda shaqaalaha dowladda.
Haddaba, habkan xukuumadda elektaroonigga ee dunida ku sii fidaya, dadka soomaaliyeed ma u baahanyahay? Mase yareyn kartaa musuqmaasuqa hareeyay xafiisyada dowladda? Sidee ayayse shacabku u heli karaan adeeg hufan oo ay gurigooda ku helaan? Sida waraaqaha dhalashada, warqadaha aqoonsiga ama teesaraha iwm? ama adeegyada kale ee asaasiga ah ee ey uga baahanyihiin xafiisyada dowladda iyagoon waqti badan ku bixin?
sidaas oo kale adeeggan waxaa dunida ka faa’iideysta jaamacado badan oo gaaraaya 2800, iyo arday oo wax barashadooda dhameysta ayaga oo jooga guryohooda. Sidaas oo kalena waxaa ka faaiideysta mashruucaan, dad badan oo suuqyada ganacsi ee elaktarooni ah ka shaqeysta, iyo bangiyo caalami ah oo elaktaroonik ah. Xukuumadda elaktaroonik ah waxaakale oo laga helaa, suuqgeyn (eMarketing) iyo waxbarasho elaktarooni (eLearning) ah. Middaasna waxa ay muujineysaa adeegsiga tiknoolajiyada iyo sida leysugu dhaafsanaayo macluumaadka, ama looga wada xariiraayo.
Khabiir Arimaha Tiknolojiyada
Ing.Cabdisataar Carabow Ibrahim
Email: engineersom@hotmail.com
Figradihiina