Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 2 (Ceegaag)—Hay’ada caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku tilmaantay cudurka Zika Virus inuu yahay mid khatar qatar ku ah caalamka, kadib markii uu si baaxad leh ugu fiday dalalka Latinka.
WHO ayaa sheegtay in cudurkan loo baahan yahay in iskaashi caalami laga sameeyo sidii looga hortagi lahaa. WHO ayaa gelisay cudurka Zika heer la mid ah heerka cudurka Ebolaha.
Illaa afar kun oo xaaladood ayaa laga soo sheegay in dalka Brazil lagu arkay tan iyo bishii Oktaabar ee sanadkii hore.
Margaret Chan Agaasimaha Guud ee WHO ayaa ku tilmaantay cudurka Zika ‘Mid Qeyracaadi ah’ una baahan in jawaab deg-deg ah laga bixiyo.
Dr Chan ayaa kula talisay haweenka uurka leh inaysan u safrin deegaanada uu ka jiro cudurka Zika. Sidoo kale waxa ay kula talisay in la iska ilaaliyo kaneecada goobaha uu cudurkan ka jiro.
Asalka Cudurkaan Zika waxa uu ka soo bilowday dalka Uganda, hayeeshe hada waxa u muuqataa in dalal badan uu ku faafay.
Ceegaag.com
Figradihiina