Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Iyadoo lagu Guda Jiro Gurmadka loo sameynayo Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii Zoobe ayaa Gurmad daawo ah waxaa Maanta lagu doonsiiyey Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya .
Deeqdaan Gurmadka waxaa soo gaarsiiyey Hayadda Qatar Charity waxayna Dawadaas isugu jirtay Qaybaha ay ka kooban tahay Dawooyinka , waxayna Hayadda Qatar Charity ugu tala gashey in lagula Tacaalo Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14 kii Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe
Ugu Horayn waxaa ka hadley Munaasabadii lagu gudoonsiinayey Deeqdaas Madaxa Xafiiska Hayadda Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Cabdi Nuur Xaaji Cali Mursal waxaana uu sheegey in Deeqdaas ay ugu talagaleen in lagu Daweeyo Dadkii waxyeelada ka soo gaartey Qaraxaasi ee ku jira Iisbitaalada kala duwan ee Magaalada Muqdisho.
“Hayadda Qatar Charity waxay mar waliba ka jawaabtaa sidii Shacabka Soomaaliyeed ula qaybsan lahayd Xaaladaha jira iyo baahiyahooda” Cabdi Nuur oo sheegey in Hayadda Qatar Charity ay sii wadeyso deeqaha Noocaan oo kale ah.
Xubnihii kale ee ka hadley Deeqdaas waxaa ka mid ahaa Wasiirada Caafimaadka ee Dowlada Federaalka Drs Fowsiya Abiikar Nuur waxayna u Mahadcelisey Hayadda Qatar Charity oo ay sheegtay in ay tahay hayad mar waliba u taagan taakuleynta dadka Soomaaliyeed sidoo kale waxay u mahadcelisey Dowlada Qadar iyo Shacabigeeda Garab istaaga ay Garab istaageen Shacabka Soomaaliyeed
Hay’ada Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo jirsaday 10-sano ayaa hawlaha uu wax qabto waxaa kamid ah daryeelka agoonta, gurmadka abaaraha, mashaariicda horumarinta, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dhismaha Masaajidada, qodida ceelasha, kaalmeenta masaakiinta, danyarta iyo curyaamiinta.
Ceegaag.com
Figradihiina