Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 09, 2015 (Ceegaag) — Hay’ada Waddaniga ah ee Tadamun oo ka Howl-gasha Somalia ayaa Deeq Raashiin ah Gaarsiisay maanta Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee ku sugan Magaalada Qardho.
Kaalmadaan oo ay bixisay Hay’adda Qatar Cherity ayaa waxay u Wakiilatay Tadamun oo iyadana Dhankeeda ku Wareejisay Qoxootiga kasoo Qaxay Colaadaha ka socda dalkooda Yemen.
Deeqdan oo ka koobnayd Bur, Bariis, Sokor, Saliid, Caano iyo Timir. Waxaa la Gaarsiiyay oo loo qaybiyay 140 Qoys oo ah Muwaaddiniin Yemeniyiin ah oo ku sugnaa muddo dhowr bilood ah degmada Qardho ee Puntland.
Madaxa Xafiis Tadamun ee Qardho, Bashiir Axmad Maxamad oo ka Hadlay Goobtii lagu bixinayay Raashinka ayaa Sheegay in Deeqdan ay ka timid Dowladda Qatar; looguna talo-galay Qoxootiga Yemeniyiinta ah, isla markaana loo Qaybiyay.
Qaar ka mid ah Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee Deeqdan lasoo Gaarsiiyay ayaa u sheegay dhankooda Warbaahinta inay ka mahad-celinayaan Deeqda ka timid Walaalahooda Qatar iyo Hay’adda Tadamun oo u Qaybisay.
Ugu dabmeyn, Hay’adda Tadamun ayaa Qayb weyn ka Qaadatay Gurmadkii loo Fidiyay Qoxootiga kasoo Qaxay Waddanka Yemen, kuwaasoo ku nool deegaanno ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina