Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Intaanan guda gelin cinwaanka koe xusan waxaan jeclahay in aan cadeeyo waxa aan diidanahay iney tahay KALA GOYNTA SOMALIA IYO IN ANIGA OO AAN DOONEYN IN KHASAB LAYGU MUQUUNIYO OO LAYLA GO’O. Taas weeye waxa aan diidanahay ee maha nacayb iyo xumaan aan u qabo beesha Isaaq. Taasi suuragal marna ma noqon karto waayo qabiil Soomaaliyeed oo walalahay ah ehel iyo qaraabana aan ku leeyahay.
Ma xumeyn karo. Waxa aan diidanahay waa siyaasada SNM ee khaldan ee khatarta ku ah midninmada Soomaaliya. SNM waxa ay orod iyo dadaal dheer ugu jirtaa sidii ay Somaaliya uga go’I lahayd, iyo in ay La go’do, iyada oo xoog ku muquunieysa haday awoodi karto, gobolo Soomaaliyeed oo aaminsan midnimada Soomaliya, oo aan marna diyaar u ahayn in ay Soomaaiiya ka go’aan.
SNM awax ay dooneysaa in SOOL, Sanaag iyo Awdal khasab kaga goyso Soomaaliya iyo naan dadka goboladaa dega waxba laga weydiin doonayaan iyo aayahoodaba. Taa weeye mida aanan marnaba aqbali karin. Intaa ka dib aan usoo noqono dulucda cinwaanka kor ku qoran.
Sida laga warqabo SNM waxaa lagu dhawaqay Bishii April 1981 kii, loogana dhawaaqay magaalada Landon ee cariga Ingriiska. Laakiin hadana waxaa la ogyahay in ururka SNM la abuuray wakhti aad uga fog taariikhda kor ku xusan.
Waxaan shaki ku jirin in SNM soo martay xaalado iyo marxaladu kala duwan, isdaba joogna ahaa, iyada oo marwalba la kulmeysey duruufo iyo wakhtiyo kala duwan. Xaalad kasta oo ku timaadana hogaanadii kala duwanaa ee maraaxishaa kala duwan hogaaminayey waxa ay ka sinaayeen u dhabar adayg iyo qaadashada go’aano adag oo ah in laga gudbo caqabad kasta oo ka hor timaada. Marxalad waliba waxa ay lahayd madax hogaamineysa iyo shacab daba taagan. Baraarujinta, dareen gelinta iyo brobogaandada SNM ee beenta ahi waxa ay ku qotontey nacaybka ummada Soomaliyeed. Waxaa udub dhexaad u ahaa wacyi gelinta SNM waday gooni goosaho iyo dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku ka talin jiray ayaanu goosanaynaa.
Xuduuda mustaqbalka ay SNM yeelan doontaana waa ay u
cadayd, iyaga aragtidooda. Waxaa xusid mudan wakhti abaaraha ku aadanaa qiyaastayda 1982-83 oo aan joogay dalka Qatar ayaa sadex nin oo hore uga tirsanaan jiray saraakiishii Soomaliya, wakhtigaana Qatar joogey, shaqooyin fiicana ku haystey oo aanu deris iyo macaarifba ahayn ayaa goor galab ah noo yimid oo nagu yidhi: Socod baa nasoo galay,
shaqooyinkiina waanu ka ruqsaysanay sababta oo ah Jabhadii (SNM) ayaa noo baahatay, marka inaanu idin maca saalameyno ayaan idiinku nimid ee sidaa ula socda. Raggii nin ka mid ahi hogaamiye sare ayuu ka noqday SNM, dagaaladii ay waday ayuuna ku dhintay sida aan maqlay.
Tusaalahaa iyo kuwo badan oo la mid ahi waxa ay ina tusayaan halgankii qadhaadhaa ee SNM soo martay iyo in aaney marna ka leexan ujeedadii iyo hadafkii ay lahayd. Naf iyo maalba waa ay u hurtay in ay gaadho higsigeeda. SNM waxay lahayd bulsho qurba joog u badan oo caadifad indhala’aan ah u haysa, wax walbana la garab taagan. Wxaa loo qaybsanaa nin qoriga qaada oo naftiisa geeya iyo nin maal iyo maacunba la daba taagan.
Caawaamil fara badan oo isbiirsatay darteed markii ay dawladii dhexe ee Soomaaliya meeha ka baxday SNM waxa ay qabsatay gobolada woqooyi ee Somaliya. Wxaa la wada ogyahay SNM iyada oo ka duuleysa argtideeda qoysnimada ku dhisan iyo nacaybkii ay u haysey qabaa’ilka kale ee woqooyiga Soomaaliya dega xasuuqii ay ka geeysatey Awdal, Snaag iyo Soolba. Colaadaha iyo dagaalada SNM ee ku wajahan qabaa’ilka kale (Samaroon, Warsangeli iyo Dhulnahante) waxa ay ku salaysan yihiin muquunis, gumeysi iyo in xoog lagu qabsado dabdeena cagta hoosteeda la geliyo,
khayraadka dhulkoodana lagala wareego. aduunyadana ictiraaf lagaga doono iyada oo la adeegsanayo dhuuniqaataal u shaqeeya SNM kana tirsan qabiilada aan kor ku soo sheegnay Maamulka SNM falsafadihii aragtidooda saldhiga u ahaa marna ma ay bedelin mana u muuqato in ay mustaqbalka bedeli doonaan. Marxalado kala duwan oo mid waliba siyaasadeeda iyo fulinteeda leedahay, wakhtiyeysan tahay, dhabar adeygeeda iyo adkaysigeeda leedahay ayey SNM
u qorshaysay in ay ku qabsato gobolada Sooliyo Sanaag, Awdal isaga horay gacanta ugu dhigtay. Iminkana waxaa muuqata in marxaladihii ugu dambeeyey ee SNM guud ahaanba kula wareegi lahayd goboladaa la soo gaadhay. Mintidnimada SNM la yaab malaha waayo waxa ay ku qanacsan tahay in ay xaq u leedahay qabsashada Goboladaa waayo waxa ay aaminsan tahay in goboladani yihiin dhaxalkii iyo guushii a ka heshay halgankiii dheeraa ee ay soo gashay, diyaarna uma aha mustaqbalka in ay ka tanaasusho dhaxalkaa ay xaqa u heshay sida ay iyadu aaminsantahay. SNM waxa ay si aad u qota dheer u adeegsaneysaa dhaqaale, cudud ciidan iyo warbaahinta sidii u qabsan lahayd Sool iyo Sanaag
Maxaa la gudboon Sool iyo Sanaag?
Su’aashan ayaa ah udub dhexaadka maqaalkan yari ku dul wareegayo Waxa ay SNM shacabka iyada taageersan iyo ra’yal caalamkaba ka dhicisay, welina wadaa olole xoog leh iyo brobogaando ah in goboladani sadex arimoodba ugu mid yihiin Somaliland:
1) In goboladani ka mid yihiin goboladai la isku odhan jiray British Somaliland ee Ingriisku ka talin jiray
2) In isimada dhaqannka, wax-gardka iyo siyaasiyiinta goboladaa ka soo jeeda ee hogaanka u ah shucuubta Sool iyo Sanaag ( Warsangeli iyo Dhulbanate) ay qayb ka yihiin Somalilaand, waafaqsan yihiina ka mid noqoshada Soomaalilaand iyo raadinta in laga go’o Somalia
3) In qayb walba oo bulshada Somalilandka mid ah ay goboladaasi metelaad buuxda ku leeyihiin, sida waziiro, golayaasha shacabka, iyo dhamaan waaxyaha kale ee dawalada Somaliland.
Waxaa taa weheliya oo ay SNM dadaal badan ku bixisay in wada hadalada u dhexeeya iyada iyo dawlada dhexe ee Somalia (SNM lafteedu qayb ay ka tahay dawlada federalak, metelaad buuxdana waa ay ku leedahay) aan loo ogolaan in ay ka qayb galan dad ka soo jeeda goboladaa, iyo inaan dawlada dhexe ka hadli karin mowqifka goboladaa ee diidan kala goynta Soomaliya. Arintaa oo ah mid runtii la yaab leh, cadaaladana aad ugu foog, hadana SNM waa ay ku guulleysatay meel marinta arintaa, ilaa hadana sidii ay ugu tala gashay ayey ugu shaqayneysaa.
Hadaba arimahaa kor ku xusan ee SNM k dacwooneyso maxaa ka dhab ah? Aynu bal qodob qodob isu dul taagno.
Qodobka 1aad: Waxa ay SNM ku andacooneyso oo ah Sool iyo Sanaag waxay ka mid yihiin dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku xukumi jirey loona yiqiin British Soomaliland waa dacwad aad jaban, raqiisna ah. Sababtuna waxa ay tahay:
Imatinkii Ingiriiska ka hor dhulka Somaaliyeed xuduudo qabiil mooyee xuduuda kale ma kala lahayn. Qabiil waliba degaan u gaar ah iyo meel lagu yaqaan ayuu laha, hab-dhaqameed uu isku maamulo, baahidiisa gudaha iyo xidhiidhka uu la leeyahay qabaa’ilka kalena uu ku maareeyo ayuu lahaa.
Ingiriisku markii uu yimdina waaqicii uu la kulmay iyo siduu dhulka ugu yimid ayuu siyaasadiisii gumeysiga ahayd ku dul dhisay. Marka laga reebo beesha dhulbahanta oo Ingiriiska la gashay dagaal goobanima doon ah (waa dagaaladii Daraawiisht) maahee qabaa’iladii kale qabiil walba dhulkiisii iyo degaankiisii ayuu heshiis u gaar ah kula galay.
Qabiilna qabiil ma hoos geyn Ingiriisku, qabiilna dhulkiisa qabiil kale ma siin. Reer waliba degaankiisa isagaa mas’uul ka ahaa, dawladii Ingiriiskuna sidaa ayey reer walba dhulkiisa ugu aqoonsaneyd. Heshiidyadii uu Ingiriisku la la galay qabaa’ilkana waa la hayaa dhamaantood. Iyada oo xaalku sidaa yahay ayaa Ingiriisku ktegay Somaliyana, iyada oo ah mid qudha, ay ku heshay xoriyadeeda. Ma jirin laba dawladood oo la kala yidhaahdo British SomaliLand Iyo Italian Somaliland oo ay mid waliba leedahay calan iyo xuduud u gaara ah ee waxaa jirey dhul Somaliyeed oo leh xuduud caalami ah oo aduunku aqoonsan yahay oo ah xuduudka Somaliya ee maanta jira. 26kii June, markii ugu horeysey ee calan Somaaliyeed la taago calanka Somaliya ayaa laga taagay dhamaan gobolada woqooyi ee Somaliya.
Maalinta Hargeesa laga taagey calanka Soomaliya, kan Ingiriiskana la dejieye wax ay ahayd maalin farxadeed iyo taariik dadka Somaliyeedna ku faano. Maalintii uu lahaa Abwaankii weynaa Cabdulahi Suldaan Timacade, Alle ha u naxariistee: Sareeyow ma nuqsaamow, kana siib kan saar waa maalin ummada Somaliyeed farxad ku xusuusato.
Waxaa kale oo xusid mudan in xisbiyadii ku tartamayey dhamaan gobolada Somaliya uu ugu cadcadaa xisbigii SYL oo ku guuleystey aqlabiyadii kuraastii gobolada waqooyiga Soomaaliya.
Marka sheegashada SNM ee ah dhulkii Ingiriisku xukimi jirey baanu leenahay waa sheegasho iyo andacood been ah oo taariikhda runta ah llaga been sheegayo. Haddii Soomaaliland ay sii wado indha adaygeeda iyo sheegashada dhulka warsangeli iyo dhulbahante natiijada keliya ee la hubaa in ay arintaa ka dhalanayso waa colaad iyo dagaal joogta ah oo lagu hoobto oo aan dhamaan iyo nabada oo fogaata. Taasna nina dani ugu ma jirto, waxa lagu wada caanamaalayaa waa nabada iyo xasliloonida
Qodobka 2aad: Dacwada SNM ee ah: Isimada dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradaka reer Sool iyo reer Sanaag ayaa na waaafaqsan oo nala socda, waa hadal been ah oo aan waxba ka jirin.
Sababtuna waxa ay tahay Isimada dhaqanku awood ay dhul iyo dad ku wareejiyaan oo SNM gacanta ugu geliyaan ma laha, mana yeelan karaan. Awood u ogolaaneysa nin Isim ahi in uu degaan iyo dhul qabiil leeyahay qabiil kale ku siin kkaro waa wax caqliga wanaagsani aanu mar aqbali karin, waana wax aan hore loo arag dibna loo arki doonin. Laakiin waxaa xusid mudan in wax la ga ifiyo habka ay Somaliland ula dhaqeysey Isimada dhaqanka ee ka soo jeeda goboladaasi oo ku salaysan waxa loo yqaan qaybi oo xukun. Waxa ay Somaliland ka faa’iideysataa marwalba kala laaluushka, isku dirka iyo kala qaybinta isimada dhaqanka ee goboladaa. Waxaa dhab ah in aqoonta ay isimadu u leeyhiin siyaasada iyo sida laysugu dhakraa ay tahay mid maxduud ah, ama kooban, inta badana aaney fahmi karin wajiyada isbed bedela ee siyaasadu leedahay iyo odoroska danaha dhow iyo kuwa fog ee goboladood leeyihiin. waxa ay SNM marwalba dadka degaanada Sool iyo Sanaag danahooda kaga mashquulisaa manaasib maqaar saar ah iyo kala laaluusha abuura xiisado qabyaaladeed ee hoose . Ka dibna xaaladaa ay abuurtay ayey ka kaluumeysataa, iyda oo Isimada dhaqankana u isticmaalaysa in ay noqdaan shabakaadii ay ku kaluumeysaneysey. . Waxaa kale oo xusid mudan in Isimada goboladaasi dhaqan ka dhigteen u adeega dana iyaga g u gaarka ah, iyo iyaga oo aan lahayn muwaafaqo guud iyo tala wadaag ka dhexaysa. Waxaa xaqiiq ah in Isimada maanta jooga intooda badan dhaqankoodu aanu ka turjumeyn danaha shucuubtooda iyo guud ahaanba dhaqankii lagu yiqiin nin Isim ah ee ku salaysnaa xishoodka, garashada fiican, cadaalada, garsoorka iyo hufnaanta.
Waxa ay u egyihiin xisbiyo qabii oo is daba marataynaya. Siyaasiyiinta goboladaa ka soo jeeda ee Hargeysa jooga waxa keliya aan ka odhanayaa waxaa weeyo waa niman shaqaale ah oo iraadad iyo xoriyad ay dareenkooda ku cabiraana aan lahayn, waxaana tusaale innoogu filan xadhigii dhakool isaga oo ah xildhibaan ah markuu runta sheegay la la tiigsaday iyo ihaanadii loo geystey. Marka andaacoodka SNM ee qodobka 1aad sidaa ayuu ku buray.
Qodobka 3aad: Metelaada beenta ah ee Soomaliand leedahay Sool iyo Sanaag saamigoodii ay ku lahaayeen Soomaliland waa ku haystaan waa waxba kama jiraan. Waxa keliya ee qofka arimahan la socdaa marka uu maqlo andacoodkan uu samayn karaa waa inuu la yaabaa caqliga dadka beenta intaa leg runta u ekeysiinaya. Kuwa heecada ah ee Hargeesa bariiska lagu siiyo ka dibna idaacadaha iyo TVyada la geeyo si ay uga sheegaan war loo soo dhiibay qiil uma noqonqyo SNM ay ku tidhaahdo Sool iyo Sanaag saamigoodii waa haystaan.
Saamiga iyo wax wada qaybsiga waxaa ka horeeya in waxa la qaybsanayo laysla ogolyahay.
Mar hadii reer Sanaag iyo reer Sool ay ka soo hor jeedaan siyaasada SNM ee ku salaysan kala goynta Soomaaliya wax wada qaybsi iyo wax wadaag ma iman karo meesha. Ragaa horgalayaasha ah ama heecada ah oo aan qaar ka mid ah Hargeesa kula kulmay, wakhti aan sidaa u sii fogeyn, dhaqankaan ku arkay ayaa igaga filan ka hadalkooda.
Reer Sool iyo reersanaag waxaa la gudboon dhawr arimood oo kuwan soo socdaa ay ka mid yihiin
1) In ay ogaadaan in Sool iyo Sanaag ay dooni qudha wada saaran yihiin, hadii ay doonidu degtana ay la wada degayaan. Hadii Laascaanood la xoreyn waayo Badhan iyo Dharna waa la qabsanayaa. Hadii aan la helin muwaafaqo guud oo qabaa’ilka dhulbahante dhex marta, isuna soo dhowysa, ka dibna horseeda in la abuuro awood lagu xoreeyo Laascaanood, hana la ogaado in markasta oo wakhtigu sii durkaba ay SNM ku sii adkeysanayso joogitaankeeda goboladaas. arintuna wakhtiba wakhtiga ka danbeeya ay ka sii xumaaneyso, SNM siyaasadeeda qaybi oo xukuna ay si lixaad leh u sii socon doonto. Warsangeliguna waa la mid sababtoo ah dhamaan xaaladaha ka taagan Sool kuwo la mid ah ayaa ka taagan Sanaag, aayaha iyo mustaqbalka labada gobolna waa isku xidhan yihiin siyaala badan marka la eego. Dan wadaag hadii aan la noqon uliyo diirkeeda, walle meel fog baa laga dedeyi waana la duloobi.
2) Cod, caqli iyo cudud medeysan in lagula Xaajoodo SNM, midnimada Soomaaliyana aan marna wada hadal, dood iyo gorgortana la gelin. Iyo in loo fekero si xeel dheer, loona odoroso mustaqbalka sida wax noqon karaan hadii aan la helin isbedel wax ka bedela xaalada gobolada Sool iyo Sanaag. Bal suuree ama qiyaas iyada oo SNM xoog kugu qabsatay dabadeedna la aqoonsaday xaalada aad ku sugnaan karto hadaad Sool iyo Sanaag ka soo jeedo. Wxaa dhab isbedel kasta oo yimaada faca wakhtigaa uu dhacayo jooga oo la nool isbedelka ayaa qaada masu’uuliyadiisa wanaag iyo xumaan labadaba, taariikhduna sidaa ayey ugu diiwaan gelisaa. Waxa caruurta goboladaasi mudan doonaan mustaqbalka fog iyo kan dhow labadaba waxaa intooda badan ma’uul ka ah dadka wakhtigan nool, waxa ayna ku xidhantahay sida ay ula saan qaadaan isbedelka iyo saameynta ay ku leeyihiin isbedelka laftiisa. Wakhtigaa isbedelku dhacayo ayey faca la nooli go’aankiisa iyo saameyntiisa leeyihiin. Wixii wakhtigaa ka dambeeya haday ka seexdaan wxaba kuma laha, isbedelka yimaadana marti aye ka yihiin.
3) Wax badan baa la qaban karaa hadii garasho, qanaacad iyo dadaal la helo. Waxaa ka mid ah waxyaabaha la qaban karo in la abuuro cod midaysan oo u dhigma ama ka sareeya kan SNM si loola hadlo dadka, loona baraarujiyo gudaha iyo debedaba, iyo in aduunka loo sheego xaqiida dhabta ee ka jirta goboladaan, iyo in laga dhaadhiciyo aduunka duruufa siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee gaarka u ahgoboladan, iyo in uu jiro cod xoog leh oo ka soo horjeeda codka SNM ee gooni goosiga ah.
4) In aan wadooyinkii hore ee lagu khaldamay mar kale lagu marin habaabin, cidii hore fashilkeeda loo arkayna aan hawsha markale gacanta loo gelin. Waxa muhim ah, haddii al doonayo in la helo isbedel lagu wajaho Somaliland in la kala saaro dhaqanka iyo siyaasada. Odayaasha duubka waa in laga helaa war cad oo aan inaba mugdi iyo madmadow lahayn. Xalaal maalin cad ba la qashaaye waa in warkoodu cad yahay oo uu leeyahay meel loogu soo hagaago oo an isbedel lahayn. Hadii taa laga waayo waan laga tashadaa. SNM waxa ay 30kii sano ee la soo dhaafay ka kaluumeysaneysay welina ka kaluumeysaneysaa odayaasha dhaqanka oo u sahlay in ay SNM goboladaa qaarna qabsato qaarna gudaha u soo gasho.
5) Taageero dadban maahee inaan dawlada Puntland laga sugin taageer ciidan oo toos ah. Waayo arintaasi ma muuqato, horena waa loo arkay inaan si toos ah laysgu halyn karin. Waxaase hubaal ah in taageero buuxda laga helayo shacabka reer Puntland. Waxaan aaminsanahay in ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan walaalohood haday arkaan cid si dhab ah u dooneysa in ay SNM ka xoreyso goboladooda.
6) In SNM lafteeda lala galo wada hadalo cad oo ah in Sool iyo Sanaag aaney marnaba qayb ka ahayn, kana mid noqon doonin SNM iyo siyaasadeheeda, laakiin ay doonayaan in nabad, walaaltinimo, dersnimo iyo is-ixtiraam lagu wada noolaado. In lala ku kulmo salaadiinta, cuqaasha iyo wax-garadka beesha Isaaq, gaar ahaan kuwa deriska la yahay lana xusuusiyo taariikhdii soo jireenka ahayd, nabad ku wada noolaanshihii iyo xidhiidhkii dadka ka dhexayn jirey. In la dareen siiyo in nabadu tahay badeecad ninwaliba u baahan yahay, la’aanteedna aan la noolaan karin. Waxa aan ku qanacsanahay haddii arimahaa aan kor ku soo xusnay la suurta geliyo In la heli karo isbedel taariikh iyo wanaag lagu diirsado keeni kara laga hirgelin karko Gobolada Sool iyo Sanaag, hadii kalese waxaa hubaal ah in xaalada goboladaasi ku dambayn doonto mugdi, jaah-wareer iyo talada oo gacantooda ka baxda.
Siciid Cali NUgaal
snugaal@gmail.com
Maqaalka oo cod aad dhagaysan karta ah dhawaan filo…
Figradihiina