Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Sabti, December 27 (Ceegaag) — IBRAAHIM XABEEB NUUR oo Xildhibaan kasoo noqday baarlamaankii hore ee Somalia ayaa maanta wuxuu Muqdisho kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynenimada maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaddib Munaasabad ballaaran oo uu Muqdisho ku qabtay.
Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, siyaasiyiin xil kale duwan kasoo qabtay, odayaal-dhaqameedyo, xubno ka socday ururka haweenka Qaranka, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.
Dadkii ka hadlay munaasabadda oo isugu jiray odayaal-dhaqameed, siyaaasiyiin xilal kale duwan kasoo qabtay Soomaaliya iyo xubno kale, kuwaasoo dhamaantood ku dheeraad ka sheekeynta muhiimada ay leedahay in la taageero murashaxnimada Ibraahim Xabeeb Nuur, waxayna ka sheekeeyay doorkii uu musharraxu ku lahaa dowladihii KMG ahayd oo uu kasoo qaybgalay xilal wasiirnimo iyo xildhibaanna uu kasoo noqday baarlamaankii KMG ahaa ee dalka.
Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xubnihii ka qaybgalay munaasabadda ka mid ahayd ayaa kulanka sheegtay inay soo dhaweynayaan isla markaana ay Taageerayaan, Ibraahim Xabeeb Nuur, Waxayna ka codsatay inuu Haweenka Soomaaliyeed ka siiyo saamiga ay xaqa u leeyihiin maamulka la dhisayo haddii uu xilka ku guuleysto, iyadoo EEBBE uga rajeysay inuu u fududeeyo hamigiisa.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo xildhibaan C/sataar oo ka tirsan xildhibaannada BFS oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay taageersan yihiin musharraxnimada ex-xildhibaan Ibaarhim Xabeeb Nuur, waxayna xuseen in musharraxu yahay nin karti leh oo waddani ah oo leh aqoon uu ku wajihi karo xaaladaha taagan.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somalia, Cismaan Daallo oo isna munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta howl-karnimada uu ku yaqaanno musharaxa oo ay ka mid ahaayeen xildhibaannadii dowladii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya, wuxuuna u rajeeyay inuu ALLE ku guuleeyo xilka uu u tartamayo, wuxuuna xusay inay ku taageerayaan ballan-qaadyada uu u sameeyay dadka labada gobol ku nool.
Ugu dambeyn, Waxaa xafladda soo xiray musharax xilka Madaxweynaha ee maamulka la qorsheynayo in loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, mudane Ibraahim Xabeeb Nuur, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono horumarinta labada gobol oo uu xusay inay caan ku yihiin kheyraad fara badan oo u baahan in laga faa’ideyso; uuna shaqo-abuur u sameyn doono guud ahaan dhallinyarada gobolladaas.
“Haddii aan xilka ku guuleysto waxaan ku shaqeyn doonaa si ay ku jirto sinnaan, cadaalad, Horumarinta Bulshada iyo Dimuqraadiyada, Xoojinta nabad-galyada iyo dib u heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha labada Gobol iyo shaqo-abuurista, Wada-shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyada dalka ka jira,” ayuu yiri Musharax Ibraahim Xabeeb Nuur.
Si kastaba ha ahaatee, Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa waxayaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah; ka mid noqoshada xildhibaanadii dowladdii KMG-ka ahayd; isagoo xubin ka ahaa Xidlhibaannada Baarlamaanka Afrika (PAN AFRICAN), isagoo sidoo kale wasiir kasoo noqday dowladdii hore, isla markaana ah siyaasi waqti badan kusoo jiray siyaasadda dalka. Waana Sarkaal aqoon durugsan u leh arrimaha ciidanka oo uu ka gaaray Darajada Korneyl ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya xilligii ay jirtay Dowladdii Kacaanka.
Ceegaag.com
Figradihiina