Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Idaacadda Kismaayo oo Hawada ka Maqan Saddex Toddobaad Cillad Farsamo Awgeed……

Radio Kismaayo ee ku hadasha afka Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa hawada ka maqan muddo saddex toddobaad ah cillad farsamo awgeed,Idaacada magalada kismaayo ayaa u fadhida cilad dhanka Fm ta ah.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubba, gaar ahaan wasiirka warfaafinta ayaan ilaa hadda u istaagin dib u howlgelinta idaacadda Walow ay jiraan dalaalo badan oo la doonayo in dib loo kiciyo idaacada kismaayo.

Madaxda sare ee maamulka ayaa horey u ballan-qaaday inay casriyeynayaan idaacadda, balse ilaa hadda ma aanay qaaadin wax tallaabo ah oo lagu tayaynayo idaacadda, oo ah midda kaliya ee ka howlgasha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xirnaanshaha idaacadda ayaa ku soo aadday xilli qaar ka tirsan warbaahinta Soomaalida ay caado ka dhigteen inay warar aan sal iyo raad lahayn ka qoraan maamulka KMG ah ee Jubba iyo deegaannada Jubbooyinka.

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply