Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
June 6 (ceegaag)— Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdishu ka hirgalisay Isbitaal cusub oo aad u weyn, gaar ahaan Degmada Shangaani, kaasoo loogu magac daray Sheikh Zaa’id Bin Suldaan Al-nahyaan ,waxaana si rasmi ah xariga uga jaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo qayb galay furitaaan Isbitaalkan cusub.
Furitaanka Isbitaalkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha oo ku wehlinayay Ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanka iyo Xubno kale oo ka tirsan labadda gole ee dowladda Soomaaliya , Danjiraha Nisklos Key iyo Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso.
Danjiraha dowlada Isutaga Imaaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxumaadi oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegey in uu yahay Isbitaalkan mid loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed, iyadoo maalintii lagu qaabili doono 300 oo bukaan , waxaana uu yeelan doona qeyb la jiifin doono bukaanada aadka u liita.
Madaxweynaha ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay dowladda Imaaraadka carabta, isagoo ku amaanay mashaariicda hormarineed ee ay ka fulineyso Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalahood ee Soomaaliyeed.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale mashruuc ballaaran oo ay Soomaaliya ka hirgeliyeen walaalaheena Imaaradka Carabta aan Muqdisho ka furo. Isbitaalkan casriga ah waxaa uu u adeegi doonaa shacabkeena, waxayna kaga maarmi doonaan adeegga caafimaad ee ay dibadaha u doonaan jireen”ayuu yiri Madaxweynaha
12- bishii May ayay ahayd markii Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah xariga uga jaray xero lagu tabarayo ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo dawladda Imaaraadka Carabta ka dhistay degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Figradihiina