Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay inaysan Suuragal aheyn Xilligan in la qaado Imtixaan Mideysan.
Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Dalladaha waxbarashada dalka ka jira oo ka koobnaa 12-Dalladood ayaa waxay kulankooda uga hadleen soo gabagabeynta Sannad Dugsiyeedka 2014 ilaa 2015 iyo xaaladda waxbarashado ee dalka iyo aragtidooda ku aadan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada waxbarashada ee Soomaaliya ku yaala, waxayna sheegeen inaysan suuragal aheyn xilligan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada dalka, duruufo jira aawadood.
Kulankaas waxaa ka Hadley Maxamed Cali oo ka socdey Daladda Safe waxaa uu sheegey in muddo 25 Sanno ay Gacanta ku hayeen Guud ahaan Waxbarashada Dalka isagoo sheegey in aysan maanta ogolaan doonin in loo Gacan dhaafo Waxbarashada ay mudadaas soo wadeen waxaa uu sii raaciyey “ Ardey loo barbaariyey hanaan waxbarasho loona sameeyey Manhaj uu wax ku barto marka ay Wasaarada intaas sameeyso ayey ka hadli kartaa arrimo Waxbarasho “
Xubnihii kale ee halkaa ka hadey waxaa ka mid ahaa Muxyadiin Cumar Jimcaal oo ka socdey Dalladda FPENS ayaa sheegey in arrimo fara badan oo jira aysan suurta gal ahayn in Xilgaan la qaado Imtixan Mideysan sidoo kale waxaa uu sheegey in ay arintaan ay kala hadleen Wasaarada iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowada iyo Baarlamaanka isagoo sheegey in ay u gudbiyeen aragtidooda ku aadan in la qaado Imtixaan Mideysan
“Hadii aan nahay Bulshada Rayidka waxaan Diyaar u nahay in aan idiinla abaabulno Banaanbxyo ku aadan in Xilgaan aysan Suurta gal ahayn in la qaado Imtixaan Mideysan “ sidaa waxaa yiri Cabduqaadir Ibraahin Gacal Abkow oo ka socdey Dhaqdhaqaaqa Bulshada Rayidka oo u soo jeediyey Daladaha Waxbarashada in ay isku duubnaandaan oo ay iska ilaaliyaan kuwa doonaya in ay kala qaybiyaan.
Diini Axmed Diini oo ku hadlayey Magaca Dallada SOSCENSA ayaa waxaa uu ka dhawaajiyey in Waxbarashada Gaar ka ah marka la fiiriyo Caalamka Dowlada Shaqo kuma leh balse waxay u jeedisaa talooyin ku saabsan Hanaanka ooobaha waxbarashada laga dhisayo iyo wixii kale ee ay Dowlada uga baahan yihiin isagoo sheegey in Dallada SOSCENSA ay Cabashadooda gaarsiin doonaan Baarlamaanka iyo Madaxda Sare ee Dowladda
War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka ay yeesheen 12-kan Dalladood ayaa waxaa halkaa ka akhriyey Aweys Shiikh Maxamed waxaa uu yiri “Waxaa cad oo la wada ogsoon yahay doorka muhiimka ah ee ay Dalladuhu kaga jiraan waxbarashada iyo kobcinta maskaxeed ee ubadka Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo Rubuc-Qarni ah ay waxbarashadooda gacanta ku hayeen, taas oo suuragelisay in waddana maanta laga heli karo heerka waxbarashada laga bilaabo xannaanada carruurta ilaa PHD, haddaba Dalladaha iyo guud ahaan bahda waxbarashada Soomaaliyeed, iyaga oo xog-ogaal u ah xaaladda uu wadanku marayo waxay cadeynayaan inaysan suuragal aheyn in la qaado imtixaan mideysan sababaha soo socda aawadood”.
1. Xaaladda nabadgeliyo ee dalka ka jirta aawgeed.
2. Iyadoo aysan jirin diyaargarow ku filan oo imtixaan mideysan lagu qaadi karo.
3. Iyadoo uusan weli jirin xeerkii waxbarashada gaarka loo leeyahay.
4. Iyadoo uusan jirin Manhaj mideysan oo dhameystiran.
5. Imtixaanka oo hal mar aan wada-gaari karin meelaha ay Iskuuladu ku yaalaan.
6. Iyadoo uusan jirin imtixaan mideysan oo ay wasaaradda iyo Dalladaha waxbarashada ku heshiiyeen hadda.
Dugsiyada Daladaha Waxbarashada ayaa waxay gaarayaan 817 Dugsi kuwaa oo isgu jira Hoose /Dhexe / Sare iyo kwa Xirfadeed Arrdeyda Dhameysatey Daraasada Wabarashada ee Sannad Dugsiyeedka waa 287.000 Ardey 131.000 waa Gabdho
Warsaxaafadeedka ayaa Dalladaha soo saaray ee ku saxiixnaa ayaa waxay kala yihiin sida tan:
1. SAFE {Schools Association for Formal Education}
2. FENPS { Formal Education Network for Private Schools}
3. SOFEL {Somali Formal Education Link}
4. SOFE {Schools Organization for formal Education}
5. FPNES {Formal Private Education Network in Somalia}
6. SOFEN {Somali Formal Education Network}
7. SOFPEN {Somali formal private Education Network}
8. ABUHA {Academic Private Education Umbrella in Horn Africa}
9. SEDA {Somali Education Development}
10. MEU {Al ma’ m un Education Umbrella}
11. SNEFA {Somali Network Education for all}
12. SONI {Somali Network Institute}.
W/D- C/naasir yuusuf macalin
muqdisha somalia
Figradihiina