Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

In ka badan 120 ruux oo ku geeriyootay qaraxyo iyo toogasho ka dhacday Paris

November 14 (Ceegaag)— In ka badan 120 ruux ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weeraro qaraxyo iyo toogasho xalay ka dhacday magaalada Paris ee Caasimada dalka Faransiiska, iyadoo weerarkan uu ahaa kii ugu xumaa abid soo mara dalkaas.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa xilliga weerarada dhacayeen daawanayay ciyaar kubada cagta ah oo dhex mareysay xulalka France iyo Germany, oo ka dhaceysay garoonka Stade De France, iyadoo weerarka kadibna laga saaray goobta.
Ku dhowaad boqol ruux ayaa ku dhimatay Tiyaatarka Bataclan, halkaasoo kumanaan ruux ay ku daawanayeen Koox Fanaaniin Mareykan ah oo bandhig heeso ku qabanayay Tiyaatarka, waxaana halkaas ka dhacay toogasho, dad badan ayaa markii rasaasta bilaabatay ka cararay goobta.
Waxaa la rumeysan yahay in weerar is qarxin ah uu ka dhacay banaanka garoonka kubada cagta ee Stade de France, sidoo kale waxaa la soo warinayaa in ugu yaraan 80 ruux ay ku dhinteen masrixiyada Bataclan oo ku taal bartamaha magaalada Paris.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, isagoo amray in la xiro dhamaan xuduudaha dalka Faransiiska, waxaana durbaba soo baxaya cambaareyn madaxda Caalamka u jeedinayaan weerarkaas.
Ilaa dhowr goobood oo maqaaxi ay ku jiraan ayay weerarada ka dhaceen, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimashada uu intaan ka bato.
Dableyda hubeysan ayaa afduub ahaan u qabsaday dad lagu qiyaasay illaa lixdan ruux, waxaana ciidamada booliska ay ku dhaqaaqeen howl gal ay si deg deg ah u soo afjareen, kuna dileen dableydii weerarka geysatay.
Booliska ayaa sheegaya in illaa sideed nin hubeysan ay ka dambeeyeen weerarada, shan ka mid ah ayaa la sheegay inay is qarxiyeen, halka saddex kalena ay toogteen ciidamada booliska.
In ka badan 1,500 askari ayaa loo daad-gureeyay goobaha ay weerarada ka dhaceen ee magaalada Paris, si ay uga qeyb qaataan howlaha gurmadka iyo sugida ammaanka.
Ma jirto cid sheegatay weerarkan, hase ahaatee Faransiiska ayaa sanadkan u ah sanad madow, kadib markii horaantii sanadkan weerar lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo iyo goob laga dukaameysto oo ku taal magaalada Paris, halkaasoo lagu dilay illaa 17 ruux.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply