Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Munaasabad aad u balaaran oo ku saabsaneyd Xaflad qalin jabin ah oo in ka badan 122 ardey oo dhameysatey Daraasaadka sare ee Master-ka iyo Diploma oo ay iska kaashanayeen Jaamacadda Muqdisho iyo Labada Jaamacadood ee kala ah ASIAEUNIVERSITY iyo OPEN UNIVERSITY ayna ka qayb galeen Qaybaha Bulshada , Sida Jaamacadaha, Ururada Haweenka , Daladaha Waxbarashada ardeydii qalin jabineysey iyo Waalidiintooda .
Ugu horeyn waxaa halkaas ka Hadley Maxamed Cabduqaadir Mursal oo ka mid ahaa ardeydii ka qalin jabineysey Daraasaadka Sare ayaa waxaa u Mahadceliyey Jaamacada Muqdisho Dadaalka ay ku bixisey in aqoon Noocaan ah ay dalka keenaan taasoo markii hore loo aadi jirey Wadamada Dibada kuna bixi jirey Dhaqaale aad u badan , wuxuuna u bogaadiyey ardey la qalin jabineysey .
Cabaas Cali Tifow oo ah agaasimaha Daraasaadka sare ee Wadaagga Partnership ayaa ka warbixiyey in ardeyda maanta ka qalin jabisey ay ahayd ardeydii ugu tirada badneyd,kuwa kalena dhawaan ay qalin jabin doonaan, wuxuu sheegey in ay soo dhaweynayaan ardeyda dooneysa in ay ka mid noqdaan Daraasaadka sare.
Sahro Cumar Maalin oo ku hadleysey Magaca Bulshada Rayidka Somaaliyeed ayaa u mahadcelisey Jaamacada Muqdisho oo ku tilmaantey in ay ahayd Jaamacadii ugu horeysey Burburkii dalka dhacay ka hana qaadey ee Soomaaliya , sidoo kale waxay u mahadcelisey intii ka shaqeysey in dalka ay keenaan Waxbarashada Daraasaadka sare ee Jaamacada Muqdisho.
Dr Shawkat oo ka ka socdey hayadha Turkiga ee ka howl gala Wadanka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Jaamacadda Muqdisho sida ay uga go’an tahay in soo saarto Aqoonyahano Bulshada Soomaaliyeed wax tar u leh isagoo u soo jeediyey ardeyda qalin jabineysa in ay halkaas ka sii wadaan Waxbarashadoda .
Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Jaamacadda Muqisho Dr Cali Shiikh Axmed Abuubakar ayaa sheegey in Howshaan Daraasaadka sare ay soo martey Xiliyo adag hase yeeshee waxaa uu sheegey in wax lagu farxa ah in ardey intaa la eg ay ka qalin jabiyaan oo ay qaadanayaan Shahaaadooyinkoodii
“ Jaamacadda Muqdisho waxay xubin ka tahay 7 Urur oo caalami ah kuwaa oo ku howlan tayeynta Waxbarashada “ ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho oo intaa raaciyey “ inta Nool ayey Nolosha taabaneysaa Noloshana waxaa badalaya dadka wax bartey oo sidiina oo kale ah’ waxaa uu sii daba dhigey
“Waa wax lagu farxo in dadka maanta qaadanaya Master degree-ga ay yihiin Hogaamiyayaal wax tar leh “ mar uu Dowlada la hadlayey waxaa uu yiri “ in Dowlada aysan yeelin in waxbarashada la sagsaago lana khiyaano ubadka Soomaaliyeed , waa Masuuliyad Culus in aan la yeelin tacliin been ah oo dib dhac keenaya , ayna iska ilaaliyaan dadka wax barta Laaluush iyo wixii la mid ah”
Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen
Muqdisho, Soomaaliya
Figradihiina