Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Inta badan Bulshada Rayidka oo la sheegey in aysan la Socon arrimaha New Deal-ka !

Dalladda SOSCENSA waxay soo abaabushay taariikhdu maray ahady 21 bishii Abriil 2015 kulan  looga hadlayay arrimaha hiigsidka cusub oo ay ka soo qaybgaleen ururada Bulshada Rayidka ah qaybahooda kale duwan kuwaas oo gaarayay 30 xubnood, kulanku wuxuu ka dhacay xarunta Dalladda ee shirarka, waxay ka qayb galayaashu uga doodeen doorka bulshada rayidka iyo waxa ahayd in laga faa’iido hiigsiga cusub , kulan ka waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Dalladda SOSCENSA Cabdullahi Maxamed Shirwac.  waxaa ka qayb galayaasha warbixin kooban ka siiyay hiigsiga cusub mudane Prof Xuseen Jimcaale isaga oo si kooban uga hadlay hiigsiga cusub iyo wadamada loogu talagay

“New Deal ka wuxuu yahay mid loogu talagalay in lagu caawiyo1.5 billion oo  ku nool wadamada sida Soomaaliya oo kale ay ka dhaceen dagaalada sokeeya, mana ahan wax ku bilowday  Soomaaliya. Asalkiisu wuxuu ka bilowday Maraykanka kadibna waxaa loo isticmaalay in lagu caawiyo wadamada burbursan si dib loogu dhiso ujeedkiisu waa sidaas, waxaa jira G7 ex wadama la yiraahdo oo hada maraya ilaa 20 lagana yaabo in ay kuwo kale ku soo biiraan sida Yamen iyo Siiriya, waxay u ekayd in Soomaaliya horay u soconayso, waxaa loogu talagay in lagu dhiso kalsoonida dadkii dagaalay, si ay u dhistaan hayadihii burburay, nabad iyo wadan dhisid( Peace building and state Building Goal) kuwaas uu kala qaybsama, arimaha amaanka, arimaha siyaasada, arimaha adeega bulshada,” ayuu yiri Prof Xuseen Jimacaale ma ahan cashar aan idin siinayo ee waa furitaan aan idin xasuusinayo hiigsiga cusub,

Dood dheer kadib waxay ka qayb galayaashii isla gaarteen inuu maqan yahay doorkii bulshada rayidka iyo in aysan bulshaweynta Soomaaliyeed aysan fahamsanayn Hiigsiga cusub, ayaga oo ku tilmaamay in uu yahay wax dambiil ku jira oo nin madaxa u saaran dhulkana uusan u ogalayn taas oo ay ula jeedeen in beesha caalamku gacanta ku haystaso Soomaaliduna u madaxbanaanayn arimaha Hiigsiga cusub,

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply