Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Kismaayo iyo guud ahaanba deegaanada gobbolada Jubbooyinka waxaa manata maalintii sadexaad ka ka jaran adeeg taleefonada ee isgaarsiinta Hormuud ay bixiso kaasoo ay jareen Maamulka kooxda Shabaab ee degmada Jilib ee gobbolada Jubbada dhexe.
Magaalada Jilib ee gobbolka Jubbada dhexe waxaa yaala qalabka isgaarsiineyd ee isku xiri jiray magaalada Muqdisho iyo gobbolada Jubbooyinka kaasoo ay maalmo k ahor qaateen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab.
Arrintaan ayaa waxaa ka dhalatay dhibaato dhanka isgaarsiinta ah, ayadoo arintaasina laga dareemayo magaalada Kismaayo iyo guud ahaanba Jubbooyinka.
Warar hoose oo ay heshay Ceegaag Online ayaa sheegaya in Maamulka sare ee Shabaab ay Hormuud Jubbooyinka ku eedeeyeen inay diideen inay bixiyaan lacag dhan 100 kun oo dollar iyo sidoo kale inay joojiyaan adeega Internetka ee ay bixiyaan, sidaas darteedna ay Shabaab u jareen isgaarsiinta Hormuud ee Jubbooyinka.
Qiimaha nolasha ee magaalada Kismaayo saameyn ballaaran ayay ku keentay isgaarsiin la’aanta, waxaana jira qoysas badan oo ay lacagahoodii ku xayiranyihiin Shirkadda Hormuud.
Ceegaag Online
Kismaayo-Somalia
Figradihiina