Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 18 (Ceegaag)— Madaxweynaha Niger Mohamadou Issoufou ayaa sheegay in dowladdiisa ay fashilsay isku day afgambi la doonayay in xukunka laga tuuro.
Mr Issoufou oo ka hadlayay Telefishinka ayaa sheegay in isku dayga afgambiga la doonayay in xukunka laga tuuro ay qorsheynayeen ciidamo ka tirsan Milateriga
“Dowladdu waxay fashilisay is ku day afgambi oo la doonayay in dalka lagu qaso”ayuu yiri Madaxweynaha Niger oo ka hadlayay Telefishinka dalkiisa.
Baaritaano ayaa ka bilowday dalkaas, kaasoo lagu ogaanayay cida ka dambeysay isku dayga afgambi, waxaana illaa iyo hada loo xiray afar ka mid ah saraakiisha milateriga.
Waxaa la doortay sanadkii 2011, isagoo doonayay inuu meesha ka saaro xukunka milateri ee uu dalkaas ku jiray.
Nigeri ayaa tan iyo markii ay qaadatay xornimada sanadkii 1960 waxaa ka dhacay dhowr afgambi.
Sanadka soo socda ayaa la filayaa inuu ka dhaco doorasho, iyadoo Madaxweyne Mohamadou Issoufou uu ugu cad cad yahay.
Ceegaag.com
Figradihiina