Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Iskushuban oo markii u horysey yeelanaysa dugsi sare ee waxbarashada

Dhismiihii iyo dayactirkii muddooyinkii danbe ka socday dugsiga sare ee degmada Iskushuban ayaa howshiisu haatan waxay mareysaa heer gebo-gebo ah.

Munaasabad schoolka sare ee degmada yeelaneyso lagu daah furayey ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaar ka tirsan waxgaradka degmada Iskushuban, Gudoomiyaha waxbarasha ee degmada Iskushuban Mohamoud Ismail Isse, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Dib u habeynta iyo ballaarinta Iskoolkan waxaa gacan weyn ka geystay dhismihiisa bulshada reer Iskushuban, Urur u dhaq-dhaqaaqa arrimaha horumarinta bulshada oo lagu magacaabo SOM. Development LTD oo ah urur fadhigiisu yahay dalka Britain, iyadoo kaalinta ugu weyn dhameeystirka Iskoolkan ay gacan weyn ka geysteen qurba-joogta kasoo jeeda degmada Iskushuban ee ku nool dalka dibadiisa gaar ahaan magaaladan London.

Gudoomiye waxbarashada iyo tacliinta sare ee degmada Iskushuban Mudane Mohamoud Ismail Isse ayaa hadal kooban ka jeediyey furitaankii iskoolkan cusub, isagoo si weyn ugu bogaadiyey qurba-joogta kasoo jeeda deegaanka ee iyagu hirgeliyey Iskoolkan cusub. sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu amaan u jeediyey ururka gacanta ka geystay howshan baaxada leh oo ah Som. Development LTD.

Waa markii u horeeysay ee dadka deegaanka iyo qurbajoogta ay ku nool dalka Britain ay iska kaashadaan mashruuc si weyn ay ugu baahi qabeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada ku jira waxbarashada oo aan iyagu horay u heli jirin goob Iskool sare ah oo ay wax ku bartaan. Degmada Iskushuban waxaa wax ka barta arday faro badan, kuwaas oo xataa qaarkood waxbarashada ay kasoo aadaan deegaamada hoos yimaada Iskushuban.

Iskuulada hoose, iyo dhexe ee demada Iskushuban ayaa haatan waxaa wax ka barta boqolaal arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo heer wanaagsan ka maraya tacliinta asaasiga ah.

Iskushuban markii hore kama jirin goobo ama fasalo waxbarasho oo gaarsiisan dugsi sare oo marka ay ardayda waxbarashada hoose iyo dhexe dhameeystaan ay waxbarashada u doontaan magaalooyin kale, taas oo dhib ku ah degmada iyo ardayda.

Dhismayaal gaboobay oo aan dayactir helin, islamarkaana ay ka tagtay xukuumadii dhexe ee Somalia ayaa magaalada ku yaalay, halkaas oo ahaan jirtay dugsiga sare ee magaalada Iskushuban. Waana sababta qurba-joogta kasoo jeeda Iskushuban ay u go,aansadeen inay dayactiraan fasaladii hore kuwa hor lehna ku daraan.

Mushtamaca ku nool degmada Iskushuban ayaa haatan helay iskuul sare oo degmadu yeelatay, taas oo fursad qaali ah u tahay ardayda markii hore heli waayey waxbarashada sare.

Degmada Iskushuban ee gobolka Bari waxaa ay ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee gobolka Bari, waxaa degmada caan ku tahay wax soo saarka geedaha timirta iyo qudaarta noocyadeeda kalle duwan ee laga isticmaalo gobolka Bari. Iskushuban waxaa mara silsiladda buuraha Golis, waxaa ay leedahay illo biyeed abaar iyo doogba aan gurin, taasi oo biyaheedu ka yimaadaan silsilada buuralayda Golis ee mara gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Shacabka degmada Iskushuban ayaa noloshoodu ku tiirsantahay dhaqashada xoolaha iyo tacabka beeraha maadaamada ay buuraha Golis ay xiliyada roobabka ka jiraan gobolada waqooyi ee biyahooda kusoo shubaan buuraha degmada oo usii gudbiya dhanka badwaynta Hindiya.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag