Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Isqabqabsiga Siyaasadeed ee Soomaalida oo kusoo baahay Maryakanka

Loolanka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka goobo badan ayuu u talaabay oo dalalka shisheeye ah, gaar ahaan loolanka ka jira gobolada waqooyiga Soomaaliya, bulshada waqooyiga Soomaaliya waxay ku kala qaybsan yihiin aragtida gooni isu taaga maamulka Somaliland, taageerayaasha fikirka gooni isu taagu waxay goob walba ka raadiyaan taageero si loo aqoonsado “Maamulka Somaliland”.

Dhawaan gole deegaan oo ka jira magaalo Clarkson ee gobolka Georgia ee cariga Maraykanka ayaa taageerayaasha fikirka gooni isu taagu waxay ka heleen aqoonsi uu golahaas magaaladaas ka jiraa aqoonsado “Maamulka Somaliland”.

Waxaa iyaguna ka daba qaatay isla bulsho ka soo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya

Shalay oo taariikhdu ahay Talaadda, October 3, 2018.
Magaaladda Clarkson ee Gobolka, Georgia ee duleedka magaaladda weyn ee Atlanta ee dalka Maraykanka ayaa isla guddoomiyihii sheegay in uu aqoonsaday “Maamulka Somaliland” wuxuu go’aankiisii hore ku tilmaamay mid loogu il-duufay “Somaliland” kaas oo uu ahaa September 4, 2018 oo uu ku aqoonsaday “maamul goboleedka Somaliland”.

Duqa Magaaladda Mayor Edward “ Ted” Terry ayaa yiri waa ka xumahay go’aankayagii bishii hore wuxuu ahaa mid aan sax ahayn, khalad ayeyna nagu ahayd, inaan faraha la galno midnimadda Soomaaliya, Dowladda Soomaaliya waxaa aqoonsan Dowladda Maraykanka, United Nation, African Union, Arab League iyo Ururka Waddama Muslimka ah. Mayor Edward ayaa sheegay inuu dhawaan la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Clarkson wakhtigii doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaana kale oo goobta ka hadlay qaybo ka mid ah bulshadii Soomaaliyeed oo isugu jira Ragg iyo Haween ee degan magaaladda Clarskon, waxay ka hadleen taariikhda dheer ee Soomaaliya iyo sida ay lama taabtaan u tahay midnimadda dalka Soomaaliya, waxay ka sheekeeyeen midnimadda Soomaaliya iyo sida dadka Soomaaliyeed aynan ukala go’i karin marnaba.

Asadnaa Suudi

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply