Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaaliyada Soomaalida UK ee Birmingham oo Booyad Dabdamis ah ugu deeqay Magaalada Muqdisho

Magaalada Birmingham ee dalka Britain ayaa lagu qabtay Taariikhdu markii ay aheyd 22 Decembar  xaflad mahadcelin ah Oo la xiriirta deeqdii baabuurta Debdemiska ahayd ee Jaaliyadda Soomaalida ee Britain ku deeqday sidii loogu dhoofin Lahaa dalka Soomaaliya.

Xafladda waxaa soo abaabulay Golaha Guurtida ee dalka Ingiriiska waxaana lagu qabtay Baar Hilaac ee magaalada Birmingham.

Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Soomaaliyeed Xaaji Macow ayaa  halkaas ka soo jeediyay sida golaha guurtidu Uga shaqeeyo kaalmaynta iyo horumarinta Soomaalida  Gudaha iyo dibadda.

Waxaa kaloo martidii halkaa ka hadashay ka mid ahaa Dr Cali Maxamad Xuseen (Cali Atam) oo ah Agaasimaha waaxda Shaqada iyo shaqaalaha ee xaruunta madaxtooyada Soomalida, wuxuu Dr.  Cali ka hadlay xaaladda dalku ku sugan yahay iyo sida loogu baahan yahay in qurbajooggu uga qayb galo Horimarinta dalka hooyo.

Intii xafladdu socotay waxaa iyana halkaa ka hadlay Dr. Cabdulqaadir Rumi, Cabdullaahi Ibraahim Casayr, Maxamad Cawad, Qamar Cali, Qooreey, Xuseen Geedow iyo marti sharaf kale.

Guddomiyaha Guurtida Soomaalida ee UK Shariif Axmadeey Ayaa isna xafladda ka soo jeediyay sida golaha guurtidu uga Shaqeeyay rarista baabuurta dabdemiska ee Soomalida oo Waxtar badan u yeelan doonta shacbiga Soomaalida ee deggan Xaruunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur(Tarsan) ayaa isna khadka teleefanka kaga qayb galay xafladda,wuxuuna u Mahad celiyay Duqa magaalada leicester iyo Golaha Guurtida Soomaalida ee UK siday uga shaqeeyaan arrimaha baabuurta Debdemiska ah oo loogu talagaly horumarinta adeegyada Bulshada ee dadka gobolka Banaadir, wuxaana lagu balamay in si deg deg ah dabdemiska loo geeyo Magaalada Muqdisho.

Xuquuqda Sawirada waxaa iska: Somaliweyn

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag