Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaamacadda Brandeis University oo kala noqday Shahaado Sharafeed la siin lahaa Ayaan Hersi Al i’Nacaladbaa Ku Taal”

Ayan Hersi Ali oo haysata dhalashadda dalka Holland, mar horena sheegtay in Diinta Islaamka ka baxday ayaa lagu wargeliyey in laga talo baxay qorshe ay Jaamacadda Brandeis University ku doonaysay inay ku siiyaan Shahaado Mutadawacnimo oo heerka Digiriigga ah (voluntary Degree).

Hadal ka soo baxay Jaamacadda ayaa lagu sheegay inaysan Ayaan Hersi Ali heli doonin Shahaado Sharaf taas oo lagu waday in la guddoonsiiyo bisha soo socoto ee May 18-da.

Haweeneydaasi waxay horey xubin uga ahayd Barlamaanka dalka Holland muddadii u dhexeysay 2003-dii ilaa 2006-dii, ayaa waxay ku caan baxday inay goobaha fagaaraha kaga dhawaaqdo hadallo xad-gudub ku ah Diinteenna Islaamka.

Waraysi ay sannadkii 2007-dii siisay Majaladda Reason Magazine ayey ku sheegtay in markii ay Diinta Islaamka haysatay la garaaci jirey, waxayna dhinaca kale sheegtay inay iyada iyo Kirishtaanka kale dagaal kula jiraan Islaamka.

Ayaan Hersi Ali oo ka soo jeeda Qoys Muslim ah ayaa sheegtay markii ay Qaxootinimo isaga dhiibtay dalka Holland inay Waalidkeeda garaaci jirey, ku sameeyeen gudniinka Fircoomiga (FGM) iyo inayn waalidkeeda u qabanqaabiyeen guur khasab ahaa, waa sida laga soo xigtay.

Ayaan oo da’da 30-aadka ku noqotay Kirishtaan ayaa isbuucan ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aal ay Wakaalladda Wararka Maraykanka ee AP hordhigeen.

In ka badan 85% oo ah ku-dhawaad 350 qof oo ka mid ah xubnaha ka tirsan Jaamacadda Brandeis ayaa saxiixay Warqad ay ku codsanayeen in Ayaan Hersi Ali laga saaro Liiska dadka sida mutadawacnimadda loo siinayo Shahaadada Heerka Degree-ga.

Ururka Ardayda Muslimiinta ee Maraykanka ayaa ka biyo-diiday inay Jamaacadda Brandeis University shahaado guddoonsiiyaan Haweeneydaasi.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Maraykanka oo ah Kooxda ugu weyn Maraykanka ee u dooda Muslimiinta ayaa sheegtay inay qoraal u direen Guddoomiyaha Brandeis University, Professor Frederick Lawrence, kana codsadeen in laga laabto qorshaha Shahaadada lagu siinayo Ayaan Ali Hersi.

Afhayeenka Golahaasi, Ibrahim Hooper ayaa sheegay inay tahay arrin xun inay Jaamacad muhiim ah abaalmarin siiyaan Shaqsi si bareer u soo bandhiga Aragtiyo nacayb badan xambaarsan.

Guddoomiyaha Machadka Daraasaadka Islaamka ee Bariga dhexe, Joseph Lumbard ayaa isagana Wareysi ku sheegay inay Ardayda Muslimiinta dareemayaan inaysan soo dhaweyn Karin qorshahaa Shahaadada lagu siin lahaa Ayaan Hersi Ali.

Ceegaag ayaa ka mid ahayd warbaahintii Jaamacada ku dhiiro galisay inay go’aankooda ka laabtaan madaama ay naagtaasu tahay Beenalay qabta cudurka marska faruurka.

Ceegaag.com

Dear CeegaagOnline

Our voices have been heard! In an official statement issued by the administration this evening, the Brandeis University administration has officially rescinded its offer of an honorary award to Ms. Ayaan Hirsi Ali.
The Brandeis community is so thankful for all of the support and signatures we were given. We truly could not have done it without you.

http://www.brandeis.edu/now/2014/april/commencementupdate.html

-Sarah

Statement from Brandeis University

April 8, 2014

Following a discussion today between President Frederick Lawrence and Ayaan Hirsi Ali, Ms. Hirsi Ali’s name has been withdrawn as an honorary degree recipient at this year’s commencement. She is a compelling public figure and advocate for women’s rights, and we respect and appreciate her work to protect and defend the rights of women and girls throughout the world. That said, we cannot overlook certain of her past statements that are inconsistent with Brandeis University’s core values.  For all concerned, we regret that we were not aware of these statements earlier.

Commencement is about celebrating and honoring our extraordinary students and their accomplishments, and we are committed to providing an atmosphere that allows our community’s focus to be squarely on our students. In the spirit of free expression that has defined Brandeis University throughout its history, Ms. Hirsi Ali is welcome to join us on campus in the future to engage in a dialogue about these important issues.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply