Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 27 (Ceegaag)— Waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furay Barnaamijka waxbarashada sare ah oo ay keentay Jaamacadda Imam oo ka mid ah Jaamcadaha ugu muhimsan ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Barnaamijkan oo ay Jaamacadda Imam heshiis kula gashay Jaamacadda AREES oo ku taalla gobolkaTexas ee Mareykan waxaa lagu soo bandhigay Heshiiska dhex maray labada Jaamacadood iyo Takhasusaadka diyaarka ah ee Jaamacadda u hayso ardayda Soomaaliyeed ee ay ku diyaarin karaan, iyagoo wadankooda jooga, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Taariikhda, Maamulka Tarbiyada ama Education Management , Shareecada, Management, Economics, iyo Hospital Management.
Munaasabaddan lagu furayay Barnaamijka waxbarashada Sare ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin isugu jirta Culumaa’udiin, Madaxda Jaamacadaha Muqdisho, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Hay’adaha sama falka, Hogaanka dhaqanka, Macallimiin, arday iyo waalidiin, iyadoo laga soo jeediyay khudbada kala duwan oo ku aadan hambalyaynta Barnaamijka.
Sh. Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo ka hadlay Munaasabaddan ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Bulshada laga haqabtiro waxbarashada noocyadeeda kale duwan midda sare iyo midda Hooseba, sidoo kale Ujeedada rasmiga ah ay noqoto soo saaridda arday Tayo leh oo anfaca Umadda iyo Dalka, waxaana uu Jaamacadda ugu hambalyeeyay dadaalkeeda.
Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacadda Imam Dr Hassan Albasri Sh Abdikadir ayaa ka hadlay heerarka uu soo maray Barnaamijkan iyo Muhimaddiisa iyo habka ay waxbarashada ku soconayso, isagoo tilmaamay in ay aad ugu dadaaleen fududeynta Barnaamijkan iyo in qiimaha uu noqodo mid ardayga Soomaaliyeed munaasab u ah, waxbarashada uu qaadanayana ay tahay mid tayo leh, waxaana uu ballanqaaday in ay bixin doonaan tiro kooban oo deeq waxbarasho ah oo ku aadan barnaamijkan, iyadoo ay soo dhoweeyeen ka soo qeyb galayaasha xafladda.
Waxaa kaloo Munaasabadda ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Umadda, Dr Abdullahi Makki Sh. Rashiid, Gudoomiyaha Jaamacadda Hormuud Dr Adam Shidane Guuleed, Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Abraar Dr Abuubakar Xaji Khalifa, Gudoomiyaha Hay’adda Hormarinta Bulshada Ust. C,fataax Axmed Xassan ( Shimbirow) Agaasimaha Maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda Imam Ust. Xassan Sh Cumar Abuubakar, Ugaasyo iyo marti sharaf kala duwan, kuwaasoo dhamaantood ugu hanbalyeeyay Jaamacadda Imam dadaalka ay wado iyo Hawlaha ay u hayso Bulshada
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina