Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaamacadda Muqdisho oo Daahfurtay eGranary Digital Library oo Casri ah

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1/4/2019-ka ayaa munaasabad lagu daahfurayay eGranary Digital Library oo casri ah ayaa lagu qabtay maktabada Jaamacadda Muqdisho ee xarunta dhexe ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa halkaasi kalimad kajeediyay agaasimaha xafiiska guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ahna agaasinka AC-Library ustaad Daa’uud Muuse Daa’uud ayaa sheegay:

“eGranary waa laybarari kushaqaynaya hab dhajitaal ah oo xaga teknoloojiyada meel wanaagsan kajooga iyadoo ay ku kaydsanyihiin 35 malyan oo macluumaad oo isugu jira daawasho, dhagaysi, buugaag iyo joornaalo iyo macluumadyo kala gadisan oo kusaabsan xaga caafimaadka, dhaqaalaha, maamulka, iyo cilmibaarista qaybaheeda kala duwan. Waana aalad aan loo isticmaalaynin wax internet ah xawaaraheedana uu aad usareeyo una sahlaysa ardayga inuu isticmaali karo isaga oo jooga maktabada, beerta nasashada, maqaayada, fasalada iyo inta uu kuguda jiro xarumaha waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho.”

Mustafa Sheekh Bashiir, agaasimaha maktabada Jaamacadda Muqdisho ayaa umahad celiyay maamulka Jaamacadda  sida ay markasta uga go’antahay inay sii horumariyaan maktabada iyo qaybaheeda kale.

“Maktabada Jaamacadda waa weelka ugu wayn ee ay leedahay waana isku xiraha ardayga iyo macalimiinta waana meesha kale ee cilmibaaris dhamaystiran ay kaheli karaan, farxad wayn ayay utahay maktabada Jaamacadda Muqdisho in lagusoo kordhiyo barnaamijkan qiimaha leh ee eGranary Digital Library.” Ayuu yiri agaasimaha maktabada Jaamacadda Muqdisho ustaad Mustafa Sh. Bashiir Maxamed.

Masuuliyiintii kahadashay daahfurkan eGranary Digital Library waxaa kamid ahaa hormuudka kuliyada computerka iyo tiknoloojiyada ee Jaamacadda Muqdisho Eng. Maxamed Xasan (eng. Gacal) oo kasheekeeyay muhiimahada ay leedahay eGranary Digital Library wuxuuna ku dhiiragaliyay ardayda inay waxbadan ka faa’idaystaan.

Dr. Cali Daahir Maxamed Cumar, guddoomiye kuxigeenka arimaha waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho ayaa umahadceliyay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal oo uu ku amaanay sida wanaagsan ee u xaqiijiyay istaraatiijiyadii jaamacadda muqdisho udagsanayd 5-tii sano inuu dhamaystiray shaqadii loo igmaday wuxuuna kula dardaaramay ardayda inay ka faa’idaystaan hawshan baaxada leh qiimaha waynna ugu fadhida Jaamacadda Muqdisho.

Gunaanadkii guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahiim Maxamed Mursal Cali ayaa umahadceliyay maamulka iyo masuuliyiinta Jaamacadda Muqdisho oo xil wayn iska saaray inay marba marka kadambaysa ay soo kordhiyaan horumar lataaban karo. Qiimo wayn ayay ugu fadhidaa Soomaalida gaar ahaan Jaamacadda Muqdisho daahfurka aan usamaynayno eGranary Digital Library oo Jaamacadda dadaal badan ku bixisay suurta galintiisa maanta waxaa usuurta gashay Jaamacadda Muqdisho inay daahfurto.

“wadada horumarka lagu gaari karo waa tacliinta waxaana wanaagsan ina labeegsado horumarkaas, maktabada hawlaha kusoo siyaadaya marba marka dambaysa waan kufaraxsanahay waxaana inoo wada rajaynayaa dadaal, horukac, iyo horumar.” Ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali.

Barnaamijkiina waxuu kudhamaaday jawi wanaagsan oo qurux badan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply