Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jabuuti oo lagu soo Gaba-gabeeyay Shirkii Culumada ee looga hadlay Xag-jirnimada –

Maarso 21 (Ceegaag) — Shirkan oo ay isugu yimaadeen culumada Bariga Afrika oo looga hadlayay ka-hortaga falalka Argagaxisada, Xag-jirnimada iyo ku dhaqanka Diinta islaamka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo xiray shirka, isagoo la hadlayay culumadii ka qaybgalay shirkan ayuu sheegay inay Diinta Islaamku tahay nasteexo, balse ay dhawaanahan soo baxeen dad dano gaar ah la leh oo u adeegsanaya dariiq aan habboonayn.

Intii uu socday shirka culummada Bariga Afrika ayaa lagu gorfeeyay sidii looga hortegi lahaa argagaxisada iyo xag-jireynta dhallinyarada, taasoo lagu sheegay inay dhaawac ku tahay diinta Islaamka, loona baaha nyahay in culummadu ay u is-taagaan sidii bulshada ay u fahamsiin lahaayeen diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa ahaa kii Afraad oo culummada Bariga Africa ay ku yeeshaan magaalada Jabuuti, sannadkanna waxaa kasoo qayb galay culmmaa’uddiin ka yimid dalal kala duwan.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply