Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jawaari “Madaxda Maamul Goboleedyada waa in danta Guud ka shaqeeyaan”

September 22 (Ceegaag)— Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shalay ka hadlayay shirkii wada tashiga ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul goboleedyada inay dantooda gaarka ah ay ka hor-mariyaan danta Guud.
Mr Jawaari ayaa sheegay in la galayo marxalad aan caadi aheyn, isagoo xusay in Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay u taallo shaqo adag, loona baahan yahay in marxalada la galayo looga gudbo si mideysan.
“Marxalada aan maanta galnay caadi ma ahan, anagoo shaqadii caadiga nagala rabo inaa fulino iyo baarlamaanka oo laga rabo shuruucdii caadiga inuu socodsiiyo, ma ahan arrin fudud, waxaa la idinka doonayaa inaad niyad samida muujisaan wanaaga guud oo Soomaaliya dan u ah ka wada shaqeysaan”ayuu yiri Jawaari
Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in la fiiriyo walaaltinimada, danta guud, isagoo xusay in laga gudbo rabitaanka shaqsiyadeed, sida gobolkeyga, maamul goboleedkeyga, isla markaana la helo bartilmaameed mideysan dantii gaarka aheyd loogu tanaasulo danta guud sida uu yiri.
“Maanta waa laga baxayaa tii gaarka aheyd, si aan u gaarno dowladnimada dhaqan dimoqraadi dalka ha lagu dhaqo, ha laga baxo gobolkeyga ee aan u duubano Soomaalinimo”ayuu hadalkiisa ku sii daray Mr Jawaari.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay isaga baxeen shirkii wada tashiga, inkastoo markii dambe lagu qanciyay inay shirka ku soo laabtaan, isla markaana ogolaadaan qodobada lagu heshiiyay shirka ee lagu dhisay Madasha wada tashiga qaran.
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply