Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jen Muungaab “Amaan Xumada Magaalada Muqdisho Waxbo Nalagama Waydiin karo” (Maxay Tahay Sababtu)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen.Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qiray in Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay ay kusii kordhayeen falalka amaan daro gaar ahaan dilalka qorsheesan ee loo geesto Masuuliyiinta Dowlada.
Muungaab ayaa sheegay in eeda amaanka sii xumaanaya ee Magaalada Muqdisho iyo falalka dhacaya ay masuul kayihiin Saraakiisha Laamaha amaanka gaar ahaan Talisyada Ciidanka Booliiska iyo Nabad Sugida Qaranka.

‘’Aniga waxba la igama weydiin karo amaanka Magaalada Muqdisjo , waayo mahayo ciidamo aan amaan ku xaqiijiyo , marar kala duwan waan maqlay in ciidanka la I hoos geynayo ilaa iyo hadana ma jirto Ciidan la I hoos keenay, Amaan darada Caasimada ka jirta waxaa masuuliyadeeda qaadaya Talisyada Booliiska iyo Nabad Sugida anigu wax shaqo ah kuma lihi waxna mala iga weediin karo’’ ayu yiri Muungaab.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay hadii si rasmi ah loo hooskeeno Ciidamada booliiska iyo nabad sugida Gobolka in amaanka uu wax badan iska badalayo ayna sameenayaan ciidamo nabad sugid dhar cad ah oo xaqiijiya amaanka guud ee Caasimada.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu xusay in Dhowr Mar Madaxda Dowladda ay ku Cel Celiyeen in Ciidamada amaanka Gobolka la hoos geynayo Maamulkiisa hasa ahaatee aanan wali laga dhabeyn balanqaadkaasi , waxa uuna tilmaamay in wax badan ay qabsoomi lahaayeen oo dhinaca amaanka ah hadii Ciidamada isaga la hoos keeni lahaa.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa imaanaya xili Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ay shaaciyeen in Ciidamada booliiska iyo nabad sugida Gobolka Banaadir la hoosgeenayo Jen Muungaab , hasa ahaatee hadalkaas ayaa u muuqday mid un afka laga yiri balse aan ficil la raacsiin.

Ceegaag Online

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply