Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 27 (Ceegaag)— Hogaamiyihii Afgambigii fashilmay ee Burkina Faso ka dhacay todobaadkii hore Jeneraal Gilbert Diendere ayaa hantidiisa la fariisiyay, kadib markii uu mas’uul ka noqday xarigii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG ah.
Xeer Ilaaliyada Guud ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la xanibay hantida 13 xubnood kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen afgambiga, xisbiga Madaxweynihii hore Burkina Faso Blaise Campaore iyo saddex xisbi kale.
Go’aankan ayaa waxaa uu ogolaanayaa in la xanibo dhamaan wixii hanti ee ay leeyihiin xubnahan, waxaana uu ku soo beegmayaa, maalin kadib markii Madaxweynaha KMG ah ee Burkina Faso uu ku dhawaaqay inuu kala diray Ilaalada Madaxtooyada.
Ilaalada Madaxtooyada Burkina Faso oo loo yaqaano RSP ayaa ah ciidan aad u tababaran oo hub culus heysta, waxaana ay ka kooban yihiin 1,200 askari, waa ciidan uu aas aasay Madaxweynihii hore ee mudada 27-sano ka talinayay Burkina Faso Blaise Campaore, kaasoo sanadkii hore xukunka laga tuuray kadib kacdoon ballaaran oo dalkaas ka dhacay,
Madaxweynaha KMG Michel Kafando ayaa sidoo kale jimcihii xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga, isla markaana magacaabay Guddi soo baara dhamaan cidii mas’uuliyad ku laheyd afgambigii dhicisoobay
Kafando ayaa dib xukunka ula wareegay, kadib markii Madaxda Galbeedka Afrika ay ku cadaadiyeen hogaamiyihii afgambiga inuu xukunka ku wareejiyo, waxaana cadaadiskan qeyb ka ahaa dowladaha reer Galbeedka oo cambaareeyay afgambigii dhacay todobaadkii hore.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina