Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 18 (Ceegaag)— Dowladda Kenya ayaa bilowday howl gal ballaaran oo ay ku baadigoobeyso askar uga luntay weerarkii jimcihii la soo dhaafay Al-Shabaab ku qaaday saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.
Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in howlgal cir iyo dhul ay ka wado deegaanada Gobolka Gedo, halkaasoo ay ku firxadeen qaar ka mid ah askarteeda, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay sii kordheyso tirada ciidamada la la’yahay.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa intii ay ku guda jireen baadigoobka askartooda maqan waxay duqeymo ka geysteen deegaano ay tuhunsan yihiin inay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab oo ka tirsan Gobolka Kenya
Mid ka mid ah afar askari oo dhaawac ah, kuwaasoo shalay la geeyay magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu arkayay diyaaradaha dagaalka Kenya oo dul heehaabayay, isla markaana ay ku adkeyd inuu u wacdo, balse markii dambe ay arkeen.
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo ayaa sheegtay inay wadaan howl gal baadigoob iyo bad baadin ah oo askarta ka maqan ah, iyadoo xustay inay wajahayaan weeraro argagixiso.
Dad reer Miyi ah ayaa sheegaya inay arkeen meydad dhowr ah, sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in askar ka tirsan Kenya la dilay iyagoo firxad ahaa, waxaana aad isu soo taraya khasaaraha xoogan ee gaaray Ciidamada Kenya.
Warbaahinta Kenya ayaa saaka cinwaanadooda boga hore ku qoray weerarkii jimcihii, khasaaraha gaaray ciidamada iyo in wali dowladdu aanay ka hadlin tirada ka dhimatay, balse uu socdo tira-koob, waxaana Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya ay sheegtay in marka hore la xiriireyso qoysaska askarta la rumeysan yahay in weerarkaas ku dhinteen.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii jimcihii ay ku dishay in ka badan 100 askari Kenyan ah, halka ay gacanta ku dhigtay 12 askari.
Ceegaag.com
Figradihiina