Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 2 (Ceegaag)— Dowladda Kenya ayaa soo iibsatay gawaari gaashaaman oo ay ku howl geli doonaan Ciidamadeeda, si ay u sugaan ammaanka gudaha dalkeeda iyo xuduuda, iyadoo munaasabad lagu soo bandhigayay gawaaridaas uu ka qeyb galay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Kenya ayaa lagu soo sawiray, isagoo saarnaa mid ka mid ah gawaarida gaashaaman ee ay dowladdiisa soo iibsatay.
Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay gawaaridan inay tahay mid qeyb ka ah casriyeyn lagu sameynayo Ciidamada Kenya, isla markaana ay isticmaali doonaan Ciidamada Booliska.
“Inaan soo iibsano gaadiidkan waa mid muhiim ah oo waji cusub u yeelaysa ciidamadeena wayna sii socon doontaa illaa inta xuduudadaha Kenya ay ammaan ka noqonayaan”ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.
Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab, iyadoo 15-kii bishii hore askarteeda lagu dilay weerar lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde.
Ceegaag.com
Figradihiina