Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Buuhoodle oo Maalintii Shalay lagu Caleema Saaray Garaadka Guud ee Gobolka Cayn Garaad Cabdirisaaq Garad Soofe ayaa dadkii Madasha ka Hadlay Waxaa ka mid ahaa Golaha Dhaqanka ee Maamulka Khaatumo oo u ugu Horeeyo Garaad Jaamac Garaad Cali Iyo Isimo Kale.
Dhinaca kale Waxaa isna halkaas Khudbad Qiimo Badan kasoo Jeediyey Madaxwayne ku Xigeenka Maamulka Khaatumo State Cabdalle Maxamuud Cali Haybe Caga Lulle oo ku Hadlayey Afka Dawlada Khaatumo State. Dhinaca kale Garaadka Cusub Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo Caleema Saarka ka dib hadlay ayaa Sheegay inuu u Mahad Celinayo Cidkasta oo Xaflada kasoo Qayb Gashay Gaar ahaana Isimadii Soomaaliyeed ee Marti Sharafka ahayd. Ugu Danbayntii Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa ugu Baaqay Beelaha Deegaanada Khaatumo State in ay Gacmaha is Qabsadaan isla Markaasna ay Midoobaan Dal iyo Debadba.
Ceegaag.com
Figradihiina