Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kooxo baastoolado ku hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay weerar ku qaaday gudoomiyaha xaafadda shaqaalaha, iyadoo kooxahaasi ay dhaawac u geystay gudoomiyaha.
Kooxahan hubeeysan ayaa la sheegay in ay u dhaceen guri uu daganaa gudoomiyaha xaafadda shaqaalaha ee magaalada Kismaayo Mudane Max’ed Sugoow, haseyeeshee ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba oo saldhig ku lahaa nawaaxiga guriga uu daganyahay gudoomiyaha ayaa usoo gurmaday, waxaana kooxihii weerarka soo qaaday ay isaga baxsadeen goobta, iyagoo dhaawac u geystay gudoomiyaha.
Masuulkan ayuu dhaawac kasoo gaaray gacanta, waxaana loola cararay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo halkaas oo lagu daweeynayo.
Dhinaca kale, ciidamada ammaanka maamulka Jubba ayaa xalay ka hortagay kooxo miino ku aasayay wadada dheer ee isku xirta xaafadaha shaqaalaha iyo guulwade, waxaana ciidamadu ay rasaas ku fureen kooxihii miinada aasayay, iyadoo ay goobta ku qaraxday miinadi ay doonayeen in ay halkaasi ku aasaan.
Ceegaag Online
Figradihiina