Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa caawa weerar qorsheysan ku qaaday guri uu daganaa wasiirka macdanta, biyaha iyo bay’ada maamulka Jubba C/nuur Cabdi Aadan, waxaana israsaaseyntani ay socotay qadar daqiiqado ah.
Kooxihii weerarka soo qaaday iyo ilaalada wasiirka ayay dhexmartay israsaaseyn xooggan.
Waxaana halkaas ka dhashay qasaaro nafeed iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Ayadoo ay ciidamada ilaalada wasiirka ay xabadoodii la haleeleen mid kamid ah dadkii weerarka soo qaday oo la sheegay in kamid ahayeen kooxda Alshabbaab.
Ilaa iyo hada mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo arintan ka hadlay.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qaado masuul ka tirsan wasiirada cusub ee maamulka Jubba tan iyo intii lagu dhawaaqay.
Ceegaag Online
Kismaayo-Somali
Figradihiina