Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa Magaallada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, xiligaani ka socda Kulamo u dhexeeya Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa banaanka ka jooga Saxaafadda mana jira wax hadal ah oo kulankaasi kasoo baxaayo Walow ay wararku sheegayaan in Mas’uuliyiinta kulankooda kadib ay Saxaafadda la hadlaan.
Dhanka kale, waxaa sidoo kale, gudaha Kismaayo ka socda kulamo gaar ah oo looga hadlaayo sidii kor loogu qaadi lahaa nabadgelyada Gobollada Jubbooyinka kulankaaso ka socda Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka fedeeralka ah ee Soomaaliya, ayna ka soo qaybgaleen odayaasha dhaqanka ee beelaha wada daga Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa lagu falanqeeyey sidii gobollada looga dhigi lahaa kuwo aad u nabdoon.
Shirka ayaa weli socda mana jira wax faahfaahin ah oo kasoo baxaayo markii laga reebo warar hoose oo sheegaya in Kulanka uu yahay mid gaar u ah Mas’uuliyiinta, Saraakiisha iyo Aasaasayaasha Maamulka Jubbaland.
Figradihiina