Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka laga helayo madaxtooyada maamulka Juba ee magaalada Kismaayo ayaa sheegayo in halkaas ay ka socdaan kulamo wadatashi oo ku aadan dhameystirka maamulka Jubba.
Wararku waxay sheegayaan in beelaha qaarkood ay dhexdooda ku muransan yihiin shakhsiyaadkii umatali lahaa Golaha Baarlamaanka.
Ma cada goorta lagu dhawaaqayo golaha fulinta iyo kan Baarlamaanka ee maamulka Jubba balse waxaad moodaa in dhaqdhaqaaq arintaas ku aadan ay hada si xowli ah uga socoto madaxtooyada Jubaland iyadoo odayaasha dhaqanka Beeluhu ay kulamo la yeelanayaan madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.
Shacabka Jubaland ayaa aad u hadal haya goorta madaxweyne Axmed Madoobe uu ku dhawaaqi doono golaha fulinta ee maamulka Jubba.
Ceegaag Online-kismaayo
Figradihiina