Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan Baydhabo ku dhexmaray Safiiradda UK ee Somalia iyo Shariif Xasan Sh. Aadan

Ogoosto 02, 2015 (Ceegaag) — Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxaa Maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed iyo Safiiradda Ingriiska ee Somalia, Harriet Mathews, iyadoo mas’uuliyiintii ay la kulantay uu ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulka,Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna shalay kusoo laabtay Baydhabo.
Kulanka ayaa waxay looga hadlay sidii deegaannada maamulka KMG Koonfur-galbeed ay Dowladda Britain wax ugu qaban lahayd, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, Beeraha, Waxbarashada iyo Sidii Wax loogu Qaban lahaa Hay’adaha maamulka.

Maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa wada sidii baarlamaan looog sameyn Koonfur-galbeed, iyadoo ay hadda ay socoto xulista xildhibaanada maamulka.
Dhanka kale, Degmada Baydhabo waxaa laga dareemayaa kulammo ay leeyahiin odayaal-dhaqameedyo ka kala socata Seddex Gobal ee Maamulka Koonfur Galbeed uu ka taliyo, kuwaasoo ay ku doonayaan inay Toddobaadka soo socda ay kusoo xulaan Xildhibaanada Maamulka Koonfur-galbeed..

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply