Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan lagu xoojinayay is dhex galka bulshada oo lagu qabtay degmada Jowhar

May 11, 2015

Waxaa degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe laga billaabay
barnaamij kor loogu qaadayo xiriirka iskuullada iyo is-dhexgalka
bulshada, kaasoo uu ka qaybgalay guddoomiyaha ku-xigeenka degmada
KaaraaG. SH. Dhexe Axmed Mayre Makaraan.
Barnaamijkan oo loogu magac-daray (Civic Engagement) ayaa noqonaya kii
ugu horreeyay oo lagu qabto degmooyinka gobolka Sh. Dhexe, sidoo
kalena degmada Jowhar ayaa noqotay degmadii ugu horreysay oo lagu
qabto.
Guddoomiyaha Ku-xigeenka  Gobolka, Axmed Mayre Makaraan ayaa billaabay
in uu kormeerro ku sameeyo iskuullada waxbrashada degmada Jowhar uu
madaxda ka yahay, waxaana ardayda iskuullada degmadaas wax ka barta
loo qaybiyay qoraallo hal-ku-dhigyo ah.
Hal-ku-dhigyadan ayaa laga xusi karaa – Dowladnimadu waa aniga iyo
adiga oo iskaashanna – Dowladeyda Waa Mas’uuliyad i saaran – Xaq uma
lihin in aan ku noolaano waddan aanan Ilaashan Karin – Dal Waliba
Dadkiisa ayaa dhisa ee Cid kale uma dhisimeyso iyo Waxaan doortay
inaan taageero dowladeyda, Maxaa yeelay Waxaan ahay Waddada
Horumarkeyga iyo kuwo kale.
Markii ardayda loo qaybiyay hal-ku-dhigyadan ayaa waxaa goobta ka
hadlay guddoomiyaha degmada Jowhar, oo tilmaamey inay dowladnimadu
tahay mid la doonayo inay ilaashadaan dhamaan qaybaha kala duwan ee
bulshada oo ay ugu horeeyaan ardeyda waxbarta.
“Waxaa idiin la wadaagi doonaa maalin nadaafadeed iyo waliba maalmo
aan ugu talo-geli doonno tartan suugaaneed,“ ayuu yiri guddoomiyaha
Jowhar oo u soo jeediyay ardayda inay  muujiyaan karti iyo dadaal
dheeraad ah si dalkooda uu dhinac waliba uga dhismo.
Ugu dambeyn, barnaamijkaan loogu magac-daray is-dhexgalka iyo
Wax-wada-qabsiga bulshada iyo Maamulka degmada, ayaa noqonaya kii ugu
horreeyay oo Soomaalyia lagu qabto, isagoo kusoo dhamaaday jawi
farxadeed.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply