Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan looga doodayay Hindise sharciyeedka gudiga xuquuqul insaanka Soomaaliya oo lagu qabtay Kismaayo (DAAWO SAWIRRADA)

Kulankaan oo looga doodaayey hindise sharciyeedka yagleelidda guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, waxaana soo qaban qaabiyey guddiga xuquuqul iinsaanka federaalka Soomaaliya iyadoo fulintana ay lahayd hay’adda Internews.

Kulanka oo looga dooday isla markaana lagu lafa guray sida ugu haboon ee loo samayn karo guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin katirsan maamulka Jubba, Guddoomiyeyaasha degmada Kismaayo iyo gobolka Jubbada Hoose, guddiga xuquuqda aadanaha iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa kulanka daah furay Guddomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Timo Jilic, Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Dr. C/rashiid Goonni, Wasiirka garsoorka Jubba State Maxamed Cabdi Maxamed Jowhar iyo Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka xuquuqda aadanaha Abu Kaate Ciise Axmed Warsame oo sharaxaad guud ka bixiyey muhiimadda samaynta dhismaha guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Dad laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee bulshada sida ururada haweenka, kuwa dhalinyarada, xubno ka socda saxaafadda madaxa banaan, qaar kamid ah odayaasha dhaqanka, Xubno metelaayey ururada dadka naafadda ah iyo qaybo kale oo kamid ah bulsho weynta Kismaayo ayaa waxaa la dhex dhigay qabyo qoraal ay ku xusan tahay qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo guddiga xuquuqul iinsaanka Soomaaliya, kadibna waxaa kasoo qaybgalayaasha loo kala qaybiyey kooxo ka kooban shan kuwaasi oo wadatashi iyo dood kadib soo bandhigaayey, hadba sida ay ula muuqato dhismaha guddiga xuquuqda aadanaha.

Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka xuquuqda aadanaha Abu Kaate Ciise Axmed Warsame iyo Maryan Takhal oo kamid ah dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa kasoo qayb galayaasha u iftiiminaayey qodobada tibaaxaaya dhisamaha guddiga ee faah faahinta iyo fahanka u baahan iyagoo kasoo qayb galayaasha uga jaawaabaayey su’aalaha ay arrimahaasi ka waydiiyaan, intii kulanku socday waxay guddiga dhegaysanaayeen afkaarta iyo fikradaha kasoo qayb galayaasha ee dhisamaha guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Qodobada doodda badan dhaliyey su’aalahana la iska waydiiyey ayaa waxaa kamid ahaa tirada guddiga oo iminka ah 9-xubnood halka kasoo qayb galayaashu codsadeen in laga dhigo 19-xubnood isla markaana lagu saleeyo tirada gobolada Soomaaliya, qodabada kale ee sida weyn looga dooday waxaa kamid ahaa xarunta rasmiga ah ee uu ku shaqayn doono guddiga la dhisi doono iyo qaabka loo soo xuli doono xubnaha qaybta ka noqonaaya guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Gaba gabadii kulanka ayaa kusoo dhamaaday sidii loogu talagalay, waxayna guddiga xuquuqul iinsaanka fedraalka Soomaaliya iyo kasoo qayb galayaashu is afgarad ka gaareen inta badan qodobadii qeexaayey qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya, marka laga reebo qodobo wax ka bedeli karin ilaa dib loogu laabto dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Sikastaba guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya oo la qorsheeyey in uu ka noqdo mid madax banaan ayaa howlaha uu qaban doono marka la dhisi waxaa kamid noqon doona ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online

Xafiiska wararka kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply