Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan saddex geesood ah oo xalay madaxtooyada ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynihii hore

Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa xalay kulan saddex geesood ah ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in kulankan oo ah kii u horeeyay ee Madaxweynaha cusub la qaato Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, 24-saac kadib markii uu ku guuleystay doorashada Madaxweynaha ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay muhiimsan tahay Marxalada cusub ee ay Soomaaliya gashay iyo isbedelka ka dhacay.

Xarunta Qaabilaada ee Madaxtooyada ayaa Madaxweynaha cusub, Madaxweynihii hore iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay shir albaabada u xirnaa oo muddo saacado qaatay ay ku yeesheen, kaasoo la xiriiray sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Ammaanka, siyaasada iyo dhameystirka howlihii ay ambaqaaday Dowladii hore mudadii saddexda sano iyo dheeraadka ahayd soo shaqeyneysay.

Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore waxybaaihii hore uu qabtay ee ay ugu weyneyd dhinaca ammaanka iyo horumada la gaaray, isagoo balan qaaday in halkiisa ka sii wadi doono.

Prof. Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ammaanay sida yididiilada leh ee Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed u soo dhoweeyay walaalkiis Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka codsaday inuu si hagar la’aaneed ula shaqeeyo inta uu ka saldhiganayo isbedelka wadanka ka dhacay.

Inkasta oo kulanka saddex geesoodka ah aan laga soo saarin warcad oo saxaafadda la siiyay, hadana wararku dhow dhow shirkaasi ayaa sheegaya hadana madaxda kulanka ku yeelatay waxay isla qireen inay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan howlaha horyaala Dowladda KMG ah ee looga fadhiyo inay dalka ku hoggaamiyaan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag