Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kulan u dhexeeyay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya dalka Somalia iyo Maamulka Jubba ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlaayay Arrimaha Baarlamaanka cusub oo uu yeeshay Maamulka Jubba, Amaanka Deegaanka iyo kaalinta dalka Ingiriiska kaga aadan socodsiinta Siyaasada Maamulka.
Safiirka ayaa maamulka u balan qaaday inta uu kulanka socday arimo dhowr ah, waxa uuna sheegay in dowladiisu ay kaalin buuxda ka geysan doonto kobcinta Baarlamaanka socod baradka ah.
Sidoo kale, Danjiraha ayaa waxa uu kulankaasi kadib kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Jubaland Sheekh Cabdi Yuusuf iyo qaar kamid ah xildhibaanada.
Safiirka waxa uu Gudoomiyaha iyo qaar kamid ahaa Xubnihiisa u muujiyay taageerada beesha caalamku u hayso dhismaha baarlamaanka isagoo balan qaaday in qoraal wadajir ah ay soo saari doonto beesha caalamka kaas oo lagu taageerayo baarlamaanka cusub ee Jubaland.
Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa looga fadhiyaa inuu kaalin ka qaato dhismaha xarun loo sameynaayo Baarlamaanka.
Ceegaag.com
Figradihiina