Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulanka wadaxaajoodka Mooshinka oo berrito ka furmaya Muqdisho

October 6 (Ceegaag)— Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta sheegay in maalinta berito ah uu furmi doono wada xajood lagu xalinayo qodabadii ku xusna mooshinkii xubno ka tirsan baarlamaanka ay ka keeneen Madaxwaynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud 12-ka August ee sanadkan.
Jawaari ayaa tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah isla markaana looga baahan yahay Xildhibaanadii keenay mooshinkaasi in ay ka soo qayb galaan, si looga xaajooda arinta mooshinka.
“Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in maalinta beri ah oo ay tariikhdu ku began tahay 7 bisha Oktoobar uu magalaada Muqdisho ka furmi doono shirka lagu dhamaynayo, isla markaana looga wada hadlayo qobadadii ku xusnaa mooshinkii Madaxwayanaha ay ka keeneen xubno ka tirsan golaha shacabak Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ee keenay mooshinka in ay ka soo qayb galaan shirkaasi oo furmi doona 11;00 barqonimo xilliga magaaladda muqdisho”ayu yiri G,jawaari.
Dhinaca kale Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magalaada Muqdisho kulan gaar ah oo saacado badan qaatay kula yeeshay Ergeyga Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ay kaga wada hadleen adkaynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, is kaashi dhexmara Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Mareykanka ee loo yaqaano Congress.
Ergayga dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr David ayaa xusay in dowladda Maraykanku ay soo dhawaynayso horumarka wayn ee uu ku talaabsanayo dalka, isagoo intaa ku daray in Mareykanku ay taageerayso wax kasta oo Soomaaliya u horseedki karo horumar.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cisman Jawaari ayaa kaga mahad celiyey dowladda Mareykanka sida wanaagsan ee ay gacan kaga gaysanayso sidii dowladda Soomaaliya ay cagheeda isku taagi lahayd.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply