Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulankii Baarlamaanka oo markii ugu horeysay leysal habeensaday iyo Mooshin laga gudbiyay…

Maarso 3 (Ceegaag)— Kulankii Baarlamaanka ee su’aalaha lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida ayaa caawa maqribkii soo gaba gaboobay saacado badan kadib oo dood kulul dhex mareysay Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta hor-tagay.
Wararka ayaa sheegaya in maalinta berri loo balamay si loo dhameystiro doodaha wali dhiman, iyadoo illaa 27 Xildhibaan ay hadleen, waxaana xildhibaanada is qoray ay gaarayeen 54 Xildhibaan.
Ilo wareedyo muhiim ah oo ay heleyso Ceegaag.com ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka intii ay socotay dooda ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka Jen. C/raxmaan Tuur Yare.
Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in lagu fashilmay amniga, waxaana Xildhibaanada qaarkood u soo jeediyeen Taliyaha Nabadsugida inuu is casilo.
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida ayaa la sheegay in su’aalaha ugu badan laga weydiiyay arrimaha ammaanka, waxaana labada Mas’uul ay ahaayeen kuwo iska difaacayay su’aalaha adag ee uga imaanayay Xildhibaanada.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Xildhibaanada inuu baajinayo kulankii khamiislaha ee Golaha Wasiirada, si maalinta berri dooda loo sii ambaqaado, maadaama xilliga uu dheeraaday, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka uu cadeeyay inay dhiman yihiin Xildhibaano kale oo is qoray.
Maalinta berri ayaa mar kale ay hor-imaan doonaan Baarlamaanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiinta laamaha ammaanka, si loo sii ambaqaado dooda, waxaana la ogeyn go’aanka kama dambeysta ah ee ay qaadan doonaan marka ay soo dhamaato dooda.
Sanad ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale Baarlamaanka uu u yeeray Wasiiradii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/llaahi Goodax Barre iyo C/kariin Xuseen Guuleed, doodii iyo su’aalo weydiintooda kadib ayaa Xildhibaanada sheegeen in aysan ku qancin jawaabahooda, waxaana markaas cod loo qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha inuu xilka sii heynayo iyo in kale.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply