Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Salaasa, April 5, 2016 (Jamaica Plain, MA) — Taleefankayga gacantu saddex mar ma dhicin markaan qabtay. Waxay ahayd abbaaro 2:30kii galabnimo, waxaanan ku jiray fasal aan saacad ka dib ka baxayay. Ardayda oo ku mashquulsanayd ka shaqaynta layli aannu siinnay, aniga iyo macalimmada aannu fasalka wada dhigno, awgeed waxaan kansho u helay inaan illinka ka boodo, ka dib markaan iri: “Iga raali ahaada!” Ma rabin in aan seego codka Macalin Saciid Saalax, oo taleefanku magaciisa soo qorayay.
Si fiican ayaan isu nabdaadinnay, oo u kala warqaadannay. Macalinku wuxuu iigu bishaareeyay inuu Boston u soo xarko-xirtay, oo 8 maalmood ka dib uu magaaladan u imanayo shir-aqooneed Jaamacadda Hardvard lagu qabanayo. Sidaas ayaana dhacday, oo Arbaco, April 13, 2016, abbaaro 11:20 habeennimo, ayuu ka soo degay Garoonka Logan. Intii uusan Macalinku soo ambabixin, toddobaad ka hor, waxaan ka codsaday, oo uu iga oggalaaday, inuu nala yeesho, BADSO ahaan, kulan suugaaneed gaaban.
Khamiis, April 14, 2016 (Roxbury, MA) — Abbaaro 11:30 aroornimo waxaa madasha ISBCC ka qabsoomay kulan ay xubnaha BADSO la yeesheen Macalin Saciid Saalax Axmed, si ay uga wax ugala hadhaan mahadhadiisa suugaaneed. Waxa uu ahaa kulan lagu matalay damal har weyn oo uu Macalinku ku sii nasanayay, inta aannu galabnimadaas Khamiiseed aadin Jaamacadda Harvard, oo abbaaro 5tii galabnimo laga furayay shir-aqooneedka lagaga arrinsanayay waxbarashda Soomaaliyeed.
Kulankaas, oo ay soo cammireen suugaanyahannada ay ka midka yihiin laashin Ciise Kaamil Xaad iyo ayeeyo Caasha Gaadasaar, waxaa ka soo qayb galay laashin/gabayaa Xasan Huruuse, oo ah aasaasaha iyo agaasimaha xarunta ASAL (Authentic Somali Art-Crafts and Language). Laashinku waxa uu naga soo booqday gobalka Virginia, halkaas oo uu ka nooleeyo agabka (farshaxanka) iyo ereyga (barashada afka) Soomaliyeed. Muuqaalkan hoose waxaa laga daalacan karaa mahadhadii uu Macalin Saciid noogu dhaafay kulanka BADSO:
Jimce, April 15, 2016 (Cambridge, MA) — Shir-aqooneedka “Somali Studies” ee Jaamacadda Harvard maalin ka hor ayuu furay buuni Cali Jimcaale Axmed. Jimcahaas se 9ka illaa 5:30ka, marka laga reebo nasiimooyin gaagaaban iyo saacadda u dambaysa oo loo qoondeeyay falcelinta buuniyaal ruug caddaa ah, waxaa la dhegaysanayay arday Soomaaliyeed oo waraaqo ka diyaariyay taariikhda iyo arrimaha Soomaalida, laga soo bilaabo waagii gumaystayaasha iyo illaa maanta.
Shir-aqooneedku waxa uu dhiirrigelinayay, caalamkana tusayay, kartida buuniyaasha Soomaaliyeed ee jiilka maanta ah u kacay, iyo sida ay u habboon tahay in ay iyagu faraha ku dhigaan aqoonaha kala geddisan ee Soomaalida khuseeya. Shirkan, oo ay isku soo dubbaridday buuni Safiya Caydiid, waxaa isku arkay ruug caddaa ku takhasusay waxbarashada Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin: Xuseen M. Aadan (Tanzania), Cali Jimcaale Axmed, Lee Cassanneli iyo Lidwien Kapteijns (Ladan).
Sabti, April 16, 2016 (Boston, MA) — Goor hore aroortii ayuu Macalin Saciid Saalax u jarmaaday Logan, oo diyaarad u raacay magaaladiisii Minneapolis, MN. Gelinkii dambe na waxaan isa sii macasalaamaynnay laashin Xasan Hureese. Waxa ay igu sii sagootiyeen murti dhaxalgal ah, oo aan muddo ruugi doono. Awooddii ay i siiyeen, iyaga iyo buuni Cali Jimcaale Axmed, waxaan April 19, 2016 ku dhammaystiray maqaal aan bil ka hor bilaabay, oo aan ku qeexay waxa ay tahay suugaantu!
Gabagabadii, April 14-16, 2016, saddexdaas cisho ee isku xiga, waxa ay ahaayeen dharaaro laga haqab beelay murti Soomaaliyeed. Isla habeenkii Sabtida, April 16, 2016 waxaan ka qayb galay xaflad loogu magac daray, “Habeenkii Dhaqanka,” oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee UMass Boston. Inkasta oo ay kulannada saddexda cisho goobo kala duwan lagu kala qabtay, oo ururro kala duwan ay kala qabteen, haddana ujeeddada iyo dulucda midaysay waa Soomaalinnimo, habaasku ka duulay!
W/Q: Idiris M. Cali, agaasimaha BADSO
Dhanjac: idiris.m.cali@gmail.com
Figradihiina