Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kumannaan ka mid ah ardayda soomaaliyeed oo isugu jira hablo iyo wiilal ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/08/2014 ufariistay imtixaanka qubuulka ama ogolaashaha jaamacadda muqdisho sanad waxbarashdeedka 2014-2015.
Imtixaankani ayaa ka billowday dhammaan xarumaha kala duwan oo ay jaamacaddu ku leedahay magaalada muqdisho iyadoo ardayda imtixaanka u fariistay wajiyadooda laga dheehankarayey da daal ay usoo diyaargaroobeen gelida imtixaanka.
Diiwaanhayaha guud ee jaamacadda muqdisho Dr-maxamed xasan nuur oo lahadlayey warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayaa umahadceliyey dhamaan ardayda maanta ufariisatay gelida imtixaanka qubuulka iyo waalidka soomaaliyeed kalsoonida ay siiyeen jaamacadda muqdisho, wuxuuna sheegay in sida laguyaqaano jaamacadda muqdisho ay iyadana kaalinteeda dhanka waxbarashada gudandoonto.
Mar uu kahadlayey Dr-maxamed xasan nuur ayaa tilaamay inkuliyadaha imtixaanka loogalayaa ay yihiin 9 sagaal kuliyadood iyo 28 sideed iyo laabatan taqasus oo kamid ah qeybaha ay jaamacadda muqdisho ay bixiso, waxaakale oo uusheegay in imtixaanka ardayda gashay natiijadooda loosoo dhejindoono 3sebtembar 2014 iyadoo markaasi kadibna looqaban doono todobaadka dhaqanka jaamacadda muqdisho oo ardayda sanadwalba loo qabto si,loogu baro ardayda cusub sharciyada jaamacadda udegsan iyo weliba si,loosiiyo aqoon dheeri ah oo wax utaridoonta ayuu ku soogabagabeeyey diiwaanhayaha guud ee jaamacadda muqdisho.
Jaamcadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca-weyn Soomaaliya ayaa waxay kaalinta 50-aad ka gashay 100-ka jaamacadood ee ugu horreeya Afrika, iyadoo ardaydii jaamacadda wax ka bartay ay hadda ka shaqeeyaan dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka, halka qaarkood ay cilmiyada sare ka diyaariyaan jaamacadaha kale ee dunida
Xafiiska warfaafinta jaamacada muqdisho
Figradihiina