Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo noqotay Codka Gobolka Waqooyi Bari.

BBC Macaan iyo Qaraar!! waxa uu ciwaan u ahaa Maqaal ku soo baxay Wargayskii Shabeele Press waxaa qalinka u qaatay alaha u naxariistee qoraa sare Cilmi Mire Jimcaale, waxaa lagu waraystay siyaasiyiin aan ka xasuusto maareeyihii Wakaaladdii Madbacadda Qaranka oo sheegay in uu dhegaysiga BBC-da u baajiyo balan uu leeyahay wanaagga ay leedahay darteed, shaqsiyaadkii caanka ahaa ee maqaalkaas wax laga waydiiyey aragtigooda BBC-da gaar ahaan laanta Afka soomaliga iyo siday u arkaan waxaa ka mid ahaa Alaha u naxariistee ruug cadaagii saxaafadda Cabdi Xaaji Goobdoon oo si wayn mar walba uga dhex muuqday saxaafada Soomaaliya tan iyo bilowgeedii iyo Axmed Cabdi Nuur oo ka shayaqayn jirey Raadiyaha iyo Telefishinka Soomaaliya, hadana ka mid ah weriyaasha laanta Afka Soomaaaliga ee BBC-da waxayna labaduba qireen in dhegaysiga BBC-du qiimo gaar ah u leeyahay dhammaan Soomaalida madaama macluumaad fara badan oo khuseeya arimaha Soomaliya ay Soomaalidu ka hesho. Dad kale oo maqaalka lagu waraystay ayaa BBC-da ku tilmaamay iney mar-marka qaar been sheegto,
Dhegaysiga laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo la bilaabay 1957 waxay soo martay marxalado kala duwan waxaana dhegaysta mujtamaca Af Soomaaliga ku hadla oo deegaan ahaan u badan wadamada Geeska Afrika, iyadoo dhegaysigeedu mar walba uu muhiim ahaa ayaa waxay heerkii ugu sareeyey gaartey markii loo sameeyey mowjado FM ah oo aysan ku dhibtoonayn dhegaystayaasheeda, waxay ahayd Idaacadda kaliya ee laga dhegeysto Beled iyo Baadiye looguna kalsooni badan yahay.laakiin wax badan ayaa iminka is bedeley, waxaa meesha ka baxay tababaradii ay bixin jirtey BBC-da mana jiraan dhinaca kale wakiil wareedyo dhamaan Gobolda Dalka marka laga reebo magaalooyinka Muqdisaho iyo Hargaysa.
Waxay caan ku ahayd Studiyaha magaalada London waxayna kasbatay weriyaal hodon ka ah luqadda Af soomaaliga maadaama ay dhegaystayaasheedu Soomaali yihiin, waxay ahayd meesha kaliya ee eray bixinta afka Soomaaaligu ka hir galo, waana taas tan mar walba caanka ka dhigtay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, marmar badan ayaa la sheegay iney BBC-du laan ka furanayso magaalada Muqdsiho laakiin mar walba waxaa la lahaa waxaa hor taagan oo aan saamaxayn amaanka oo aan la isku halayn Karin magaalada Muqdisho, waxaa taas bedelkeeda xarun laga furay magaalada Nairobi ee Kenya, waxaa la qoray shaqaale ka badan kan ka hawl gala studiyaha london si ay Studiyaha cusub uga shaqeeyaan, waxaa hami galay weriyaal badan oo Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa magaalada Nairobi, iyo kuwo kale oo Soomaaliya joogey sida magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Hargaysa, Kismaayo iyo meelo kale laakiin waxaa caqabad ku noqday oo shuruud looga dhigay haysashada baasaboorka dalka Kenya. Hadaba maxaa laga dhaxlay ku dhaqaaqidda arintaas? Waxaa laga dhaxlay in la qaato weriyaal aan si wanaagsan u garanayn luqadda Af Soomaaliga taas oo ah luqadda kaliya ee wax lagu tebinayo, waxaana masuuliyadeeda leh dadka imtixaanka qaadaya oo aan Soomaali ahayn. Waxaa la is waydiin karaa oo jawaab waafi ah u baahan sababta keentay in imtixaanka laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uu ruux Ajnebi ahi qaado?
Iyadoo sidaasi jirto ayaa waxaa shaqada BBC-da ka tegey weriye Maxamed Ibraahim Mocalimuu waxaana la shaaciyey in loo tartamayo booska uu Mocalimuu baneeyey, waxaa xusul duubay weriyaal badan oo hamiyey buuxinta jagadaasi banaan, waxay u arkayeen fursad qaali ah maadaama idaacad caalami ah ay ku biirayaan hadii ay ku guulaystaan helitaanka shaqadaas, laakiin halkii roob laga filayey ceeryaamaa ka timid, waxaan ula jeedaa waxaa igu maqal ah in uu imtixaankii la shaaciyey oo loogu tartamayey booskii Mocalimuu uu ku guulaystey wiil haysta dhalashada dalka Kenya oo ka hawl gala studiyaha BBC-da ee Nairobi, sababtaas ayaa jawaab u baahan madaama Studiyaha Nairobi loo diidey iney ka shaqeeyaan cid aan Kenyaati ahayn. si arintaas looga duulo ayaa dad badani baadi goobayaan halkii ay dacwad u marsiin lahaayeen Boqoradda Ingiriiska ama Ra’iisul wasaare Divid Cameron walow aanu hada muuqan doorkii laanta afka Soomaaliga ay ka qaadan jirtey eray bixinta iyo kobcinta Af Soomaaliga.
Si kastaba dhegaysigii laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa hoos u dhacay in badan, gaar ahaan waxay dad badani ka dareeraan dhegaysiga BBC-da marka la maqlo barnaaamijku waxa uu idinkaga imanayaa Studiyaha Nairobi. waxaana aad moodaa in aanay dhalinyarada ka shaqaysa Studiyaha Nairobi intooda badani garanayn waxa loo aas-aasay Idaacadda ay ka shaqeeyaan iyo cidda ay yihiin dhegaystayaashooda. Yacni xoogga ma saaraan arimaha Soomaaliya ee bedelkeeda waxay xooga saaraan arimo kale oo aan Soomaalida qusayn. Waxaana mar-marka qaar la kala garan waayaa dhegaysiga idaacadaha Star Fm, Volunteer iyo BBC-da laanta Afka soomaaliga marka laga soo tebinayo Nairobi, gebagebadii miyaan la oran Karin Idaacadii BBC-da laanteeda Afka soomaaliga waxay noqotay codka gobolka waqooyi bari ee Kenya .
Cabdinaasir Xersi Iidle
Naasirx1@gmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply