Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kulan-aqooneed xiisa leh oo maalin dhan socdey ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Laanteeda hargeysa ayaa waxaa lagu qabtay Jaamacadda Golis xarunteeda Hargeysa. Kulanka ama tababbarka oo mowduuciisu ku saabsanaa tayaynta iyo kobcinta adeegsiga AfSoomaaliga wuxuu ku taxnaa kulan-aqooneedyo iyo siminaarro is daba-joog ahaa, kuwaas oo ay Akadeemiyadu mudooyinkaanba ka waddey magaalooyinka kala duwan ee gayiga Soomaalida, sida Jabuuti, Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Boosaaso iyo meelo kale. Hawlgalkaas ballaadhan wuxuu qayb ka yahay tallaabooyinka AGA ku meel-marinayso hadafkii loo soo saaray oo ahaa daryeelka iyo horumarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay boqollaal ka mid ah ardayda jaamacadda Golis iyo macallimiintooda iyo arday iyo dhallinyaro kale. Waxaa kaloo ka soo qaybgalay waxgarad ka mid ah dadka daneeya Afsoomaaliga iyo hal-abuurkiisa. Kulan-aqooneedka waxaa hoggaaminayey abwaan Ismaaciil Aw Aadan, Wakiilka AGA ee hargeysa iyo Hormuudka Kulliyadda AfSoomaaliga iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Golis, Jaamac Jeeni-cadde oo ay ardayda kulliyaddiisu u badnaayeen ka-qaybgalayaashii tababbarka.
Hormuud Jaamac oo kulanka furay wuxuu ka-qaybgalayaasha u iftiimiyey mowduuca kulanka iyo ujeedka laga leeyahay. Wuxuu kaloo iftiimiyey qiimaha weyn ee uu umadda Soomaaliyeed ugu fadhiyo afkooda hooyo iyo sida loogu baahan yahay in la daryeelo. Abwaan Ismaaciil Aw Aadan, oo bixinayey casharka saldhigga u ah kulan-aqooneedka, wuxuu si ballaadhan u faahfaahiyey baahida loo qabo tayaynta iyo kobcinta afkeena hooyo iyo hal-abuurkiisa; wuxuu kaloo tilmaamay kaalinta hormuudnimo ee ay AGA kaga jirto arrintaas. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday qiimaha weyn ee uu leeyahay afka hooyo, dhibaatooyinka haysta iyo xilka ka saaran dadka ku hadla inay u wada gurmadaan. Waxa kale oo uu ardayda u sharraxay suugaanta iyo qaybeheeda kala duwan iyo waxyaabaha lagu kala garto, sida Gabayga, Geeraarka, Masafada, Guurowga, Buraanburka, Qaybaha heesaha, heesaha Carruurta, Hararka, Haamaha, Curinta sheekada iyo qoraalka. Abwaan Ismaaciil Aw Aadan wuxuu hadalkiisa ku xusay diyaar-garowga ay laanta AGA ee hargeysa bilowday inay u diyaar garowdo xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo ee 2016.
Ugu dambayntii ardaydii siminaarka qaataday oo muujinayey xiisayn aad u sarraysa waxay kulanka kaga qaybqaateen fikrado iyo su’aalo muhiim ah waxayna dalbadeen in loo sii wado aqoon-kordhinta noocaan ah.
Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen
Figradihiina