Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Tartamada muctamarka ka dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa kadis ay dhalin da’doodu u dhaxayso sideed jir ilaa toban jir ay ku tartameen Aqriska Quraanka kariimka ah, Taariikhda iyo Afka Soomaalida.
Tartankan ayaa waxaa iskusoo dubo riday Macalin Idiris Maxamed Cali iyo macalimiinta dugsiga Al-Rowda kasoo ahaa mid aad u soo jiitay ka qaybgalayaasha muctamarka.
Sidoo kale waxaa dhalin da’doodu tahay sideed jir ilaa toban jir ku qudbeeyeen luqadaha Carabida iyo Ingiriiska iyaga oo warbixino kasoo jeediyay xaalada masjidka Al-Rowda sidii uu ku bilowday wakhtigii uu bilowday iyo meesha ay xaaladiisu taagan tahay.
Waxaa Maalintii labaad siwayn loo garab istaagay dhaqaale ahaan Masaajidka Al-Rowda oo iibintiisa aysan Soomaalidu dhaqaale badan ku bixin balse Muslimiintu bixiyeen dhaqaalaha lagula soo wareegay balse ay Soomaalidu ku yabooheen dhaqaalaha dhismihiisa oo lafilayo in uu dhaqse bilowdo.
Sidoo kale waxaa qudbado wacyi galin ah kasoo jeediyay mashaaiikhdan.
Ugu danbayn waxaa dhaqaale abaal marin ah la’gudoonsiiyay dhalintii ku guulaysatay tartamadii kaladuwanaa ee lagu tartamay.
Waxaa si’aada looogu duceeyay dadkii ku yaboohay dhaqaalaha la doonayo in lagu dayactiro Masaajidka iyaga iyo waalidiintoodii ay u sadaqadeeyeen dhaqaalahaba.
Kadibna waxaa Muctamarka lagusoo Afmeeeray nashiidadan oo uu ku luuqeeyay Suhayb Hamaal Xaaji Xuseen.
Ceegaag.com
Figradihiina