Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wado ay dhisayeen Maamulka Puntland ay soo gashay dhinaca xaafada Baraxlay kadibna Maamulka Galmudug ay isku dayeen inay hor istaagaan dhismaha wadadaa taasoo keentay in ciidamadii labada Maamul dagaal toos ahi ka dhex bilowday.
Dagaalka ayaa ku fiday ilaa Bandiiradlay iyada oo dagaalku hada Gaadhay Kabtaroolka dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacayo. Wadadan oo kasoo bilaabanta Yamayska oo uu doonayay Maamulha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas inuu magaalada kaga fududeeyo saxmada gawaadhida Xamuulka ah ee ka imanaya Boosaaso kuna sii jeeda dhinacaa iyo Muqdisho.
Dhimasha ayaa ilaa hada marasa labada dhinac ilaa 8 ka tirsanaa ciidamada dawlada Hoose. Dhinaca Waqooyiga ayaa ciidamada Milatary Puntland Dagaalka soo galeen markii Madfac ay ku dhinteen dad rayid ah, Madfacaa oo kusoo dhacay Dhinaca xaafada Garsoor halkaa oo ay ku dhinteen Hooyo Wiilkeedii iyo Labanin oo xaafada lajoogay.
Hada oo ay saacadu tahay Sadexdii Galabnimo magaalada Gaalkacayo Dagaalku wali wuu sacdaa, dagaalkan oo bilowday shan saacadood ka hor iyada oo hada layslasii marayo Yoorgaduud iyo Xaarxaar.
Wixii warar ee kasoo kordha kalasoca Ceegaag.com
Ogaysiis. Ceegaag dalka waxay ku dhiiro galinasaa inuu yeesho 1, hal Madaxwayne oo ah kan dawlada dhexe inta kale waa maamulayaal maamul.
Ceegaag.com
Figradihiina